Somaliland oo shaaca ka qaaday ururada soo baxay ee ka qeyb-galaya doorashada

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddida Diiwaan-galinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Somaliland ayaa shaaca ka qaaday 9 urur siyaasadeed oo buuxiyay shuruudihii diiwaan-gelinta.

Qoraal kasoo baxay Guddiga Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda ayaa sheegay in ururadaan Sagaalka ay xaq u yeesheen inay ka qeyb-galaan doorashada asxaabta qaranka.

“Ururadaan ayaa kasoo gudbay oo buuxiyay dhamaan shuruudihii diiwaan-gelinta ee muddooyinkii dambe ka socday Somaliland, hadey noqoto hubinta 1000-ka qof ee gobol kasta iyo xafiisyada ururada.”

Waxaa xusid mudan in ururada soo baxay ay ka qeyb-gali doonaan doorashada asxaabta qaranka oo ay qeyb ka yihiin saddexdii xisbi ee hore u jirey ee Waddani, Kulmiye iyo Ucid.

Ururada Siyaasadeedyada gudbay ayaa kala ah;

1. Urur Siyaasadeedka WAABERI
2. Urur Siyaasadeedka SHACABKA (SPP)
3. Urur Siyaasadeedka HORSEED
4. Urur Siyaasadeedka REJO
5. Urur Siyaasadeedka BARWAAQO
6. Urur Siyaasadeedka HILAAC
7. Urur Siyaasadeedka MIDEEYE
8. Urur Siyaasadeedka OGAAL
9. Urur Siyaasadeedka KAAH

Qoraalka kasoo baxay Guddida Diiwaan-gelinta Ururada Siyaasadda ayaa sidoo kale waxa uu si toos ah ugu socodsiiyay Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Maxkamadda Sare JSL iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.