Somaliland oo sheegtay in ciidan ka yimid Itoobiya ay ka dagaalamayaan Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha Wasiirada Somaliland oo maanta kulan gaar ah  ku yeeshay gudaha magaalada Hargeysa ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda cakiran ee magaalada Laascaanood halkaas oo dagaalo qaraar ay ka dhaceen maalmihii u dambeeyay.

Shirka ayaa waxaa guddoomiyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayada oo laga soo saaray go’aanno la xiriira xaaladda adag ee ka taagan gudaha magaaladaasi.

Golaha ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka yimid dowlad deegaanka Soomaalida, isla-markaana kasoo tallaabaday dhanka xadka ay ka dagaalamayaan magaalada Laascaanood.

Sidoo kale waxaa Golaha Wasiirada Somaliland ay markale ku celiyeen eedeynta dowladda federaalka iyo Puntland oo ay tilmaameen inay lug leeyihiin dagaalkaasi.

“In gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Laascaanood ay ka baxaan ciidamada huwanta ah ee ka soo tallaabay xuduuda caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, sida kuwa Maamul Goboleed Soomaaliya ee Puntland, ciidamada kala duwan ee ay dawladuhu u soo tababareen Dowladda Federalka Soomaaliya iyo kuwa yimid Dawlad Deegaanka Soomaalida” ayaa lagu yiri war kasoo baxay kulanka kulanka Golaha Wasiirada Somaliland.

Dhanka kale Golaha ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda ay diyaar u tahay dhaqan-gelinta xabad joojintii ay horay ugu dhawaaqday Somaliland, si dagaalka loo joojiyo.

Waxa kale oo ay intaasi kusii dareen inay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo nabadda, si markale dib loogu soo celiyo xasiloonidii magaalada.

Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa markale baaq u diray hay’adaha Samafalka, ayaga oo ka codsaday inay gargaar deg deg ah gaarsiiyaan qoysaskii ka barakacay Laascaanood.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka ayaa qaatay muddo bil ah, kaas oo ay ku dhinteen dad badan shacab ah, kuna dhaawacmeen kuwa kale.