Mas’uul Soomaali ah oo xil sare looga magacaabay maamulka Maxkamadda ICC

Roma (Caasimada Online) – Madaxweynaha Golaha Maamulka Maxkamadda dambiya caalamiga ee ICC, Silvia Fernandez De Gurmendi ayaa u magacowdey la-taliyaheeda qaaska ee Soomaaliya Mudane Mahad Axmad Xaaji. 

Mudane Mahad Xaaji ayaa sidoo kale noqonaya la-taliyaha gaarka ah ee ku biirista Soomaaliya ee Heshiiska Roma ee maxkamadda dambiya caalamiga ah ee ICC oo muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya. 

Mahad ayaa horay u ahaa la-taliyaha guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aaadan Maxamed Nuur (Madoobe) ee arrimaha Baarlamaanka Adduunka. 

Waa markii ugu horreysey ee lCC ay qof Soomaali u magacowdo xil aad u sarreeya, taas oo taariikhda dhicin, wuxuuna Mahad ka shaqeyn doonaa Arrimaha Soomaaliya, iyo la-xisaabtanka shaqsiyaadka iyo kooxaha Soomaaliya ka galay dambiyada dagaal. 

Waxaa la joogaa waqtigii ay Soomaaliya ku soo biiri laheyd maxkamada addunnka hadii aynan taas dhicin, waxaa dhici karta in sidee Libya oo maxkamaddan aan ka mid aheyn iyo Sudan ee dhacdey 2004 iyo 2014 in Golaha Ammaanka loo diro tixraac oo toos ay u soo faro geliso Soomaaliya. 

Waxey magacaabista Mahad Xaaji ee ICC ku tuseysaa  in maxkamadda kusoo socto baaritaankeeda arrimaha Soomaaliya oo dad badan oo xilal haya iyo kuwa horay usoo qabtay lala xisaabtami doono.

Si taas loo gaaro Dowladda Soomaaliya waxaa kaga bixi kartaa in Baarlamaanka uu codeyooyo in ay ku biiraan ICC si ay Soomaaliya iyada u gaarto go’aankeed sida uu qabo dastuurka ICC ee Roma Statute in hadii dalka ku soo biiro uu isaga awood u leeyahey in soo dalbado baarista ICC.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa hambalyo u diray Mahad Xaaji, waxaana uu ku tilmaamay shaqsi howlkar ah oo kasoo dhalaali kara mas’uuliyadda culus ee lagu aaminay. 

Mahad Axmad Xaaji ayaa horay ula soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo Midowyga Yurub kamid yahay, waana aqoon yahan Soomaaliyeed oo arrimaha Geeska Afrika aad uga faallooda.