HirShabelle oo iclaamisay dagaal ka dhan ah arrin kusoo badatay Shabeellaha Dhexe

Jowhar (Caasimada Online) – Maamulka HirShabelle ayaa ku dhawaaqay howl-gal dagaal oo ka dhan ah kooxaha burcadda ee isbaarada dhigata qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

Isbaarooyinkan ayaa lacago baad ah looga qaataa dadweynaha iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka, oo qaarkood ay ku jiraan waddooyinka gobolka ku xira Muqdisho.

Taliyaha Booliska HirShabelle iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa si wada-jir ah ugu dhawaaqay howl-galkan kadib markii ay kormeer kusoo mareen deegaanada sida weyn looga cabanayo isbaarooyinka.

Waxay sheegeen in ciidamo isku dhaf ah loo diyaariyay la-dagaalanka kooxaha burcadda ah ee isbaarada dhigata qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Isbaarada waa cudurka labaad markii Shabaab laga imaado ee umaddaan haysta weeyi, waxaa ka shaqeysan weynay oo cadowga kala dagaalami weynay ayay kow ka tahay,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Marka ninkii Askarigii ee la rabay in cadowga iska dhacso ama ninkii deegaanka ahaa ee ay aheyd in gurigiisa iyo dantiisa qabsado in umaddii jidka u galo wax loo dulqaadan karo ma ahan oo la fiirsan karo.”

Taliyaha Booliska HirShabelle Xasan Dhicisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in howl-galkan cusub ay illaa hadda qaadeen dhowr isbaaro oo taallay inta u dhaxeysay deegaanada Ceel-Cade oo Muqdisho u dhow illaa deegaanka Ceel-gub oo ka tirsan Shabeellaha Dhexe.

“Dowladda Soomaaliya sharci ayay kasoo saartay Isbaaro, Shabaab iyo Isbaaro waa isku mid oo waxaa loola dagaalamaya sidii Shabaabka loola dagaalamayay,” ayuu yiri Taliye Xasan Dhicisow.

“Maalin kasta in bulshada iyo baabuurleyda laga soo qeylisiiyo ma aqbaleyno. Laga billaabo saacadaan cidii ciidanka ilaalada waddooyinka ugu tagaan cid wax laga weydiinayo majiraan oo waxay amar u qabaan inay soo qabtaan, haddii uu iswaalo oo qabasho uu diido inay dilaan.”