Shirkada Flydubai oo maanta billowday duulimaad Dubai-Muqdisho ah + Maalmaha

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda diyaaradaha Flydubai oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah Dubai-Muqdisho.

Diyaaraddii ugu horreysay ee shirkadda, oo nooceedu yahay Boeing 737 Max, ayaa maanta soo cago dhigatay garoonka diyaraadaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayada oo rakaab kasoo qaaday Dubai.

Sidoo kale duulimaad kale oo ku socda Dubai ayaa ka bixi doona caasimadda Soomaaliya isla galabta.

Shirkadda ayaa 14-kii Febraayo 2023 ku dhowaaqday billowga duulimaadyada tooska ah ee Dubai-Muqdisho, oo toddobaadkii shaqeyn doona hal maalin. Shirkadda ayaa sheegtay in laga billaabo 1-da June ay duulimaadyada ka dhigi doono laba maalin toddobaadkii.

Waa magaalada labaad oo Soomaaliya ah oo ay shirkadda ay duulimaad ku tagto. Flydubai ayaa horey u tagi jirtay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.

Billowga duulimaadyada Muqdisho ayaa qeyb ka ah qorshe ay shirkadda ku ballaarineyso duulimaadyadeeda Afrika. Waxay hadda ka howlgashaa oo ay u duushaa magaalooyinka Addis Ababa, Alexandria, Asmara, Dar es Salaam, Djibouti, Entebbe, Hargeysa, Khartoum, Juba iyo Zanzibar.

“Waxaan sii wadeynaa raadinta fursadaha aan ku kobcineyno shabakadaha Bariga Afrika iyo furitaanka suuqyo aan la isticmaalin. Gobolkani waxa uu sameeyay koboc dhaqaale iyo horumar la taaban karo sannadihii u dambeeyay,” ayuu yiri Hamad Obaidalla, oo ah madaxa ganacsiga ee Fly Dubai.

Sidoo kale waxa uu sheegay in duulimaadyada tooska ah ee Soomaaliya ay sii kobcin doonaan dhaqaalaha, islamarkaana ay gacan ka geysan doonaan abuurista isu socodka iyo ganacsiga labada dal.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta dib loo hagaajiyay, islamarkaana ay dowladda federaalka muujisay niyad wanaageeda ku aadan soo celinta xiriirka diblumaasiyadeed ee Abu Dhabi.