Macallimu oo ‘arrin fajaciso ah kusoo arkay’ mid kamid ah saldhigyada MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka tirsan Golaha Shacabka oo booqday mid kamid ah saldhigyada Booliska ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay ‘arrin fajaciso ku noqotay’ oo uu kusoo arkay saldhiggaasi.

Macallimu oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka sheekeeyay falkaas oo uu tilmaamay inuu aad ula yaabay, kadib markii uu la kulmay dhaqamo aan wanaagsaneyn.

Xildhibaanka ayaa xusay in saldhigga Booliska ee uu tegay ay ka socotay dacwad, balse sarkaalkii qorayay Oobiga iyo askarigii la joogay aysan wadan wax darees ciidan ah, isla-markaana ay xittaa sigaar ku cabayeen qolka dhexdiisa, inta ay socotay dacwadda.

“Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in gudaha saldhigga si aan gambasho laheyn lacag loogu kala qaadanayay, ayada oo dadweynaha loo yeerinayo lambar EVC ah, si ay u tuuraan.

Halkan hoose ka aqriso:-

Bottom-Up Politics

Haan gunbay ka tolantaa! Dowladnimada kama sixi karno xafiisyada sare ee wa  in aan ka bilowno dib u tayeynta saldhigyada degmooyinka (Oobiyada) ,maamullada degmooyinka ,laan ,waax ilaa tabbeelle. Maxkamadaha degmooyinka oo shacabka ugu adeega garsoor ku qottoma caddaalad  IWM.

Waxaan tagay saldhig boolis . Waxaan la yaabay sarkaalka Oobiga qorayay iyo askari kale oo aan lebisneyn waxa ay qolka ku dhex cabayeen sigaar ,xilli ay kiis dacwo ah diiwaan galinayeen . Dadka is dacweynaya waxa ku jiray hooyo dhabarka ku sidata canug yar . Qaab darrada meesha muuqata waa fajaceysaa .

Taliyaha cusub ee Booliska General Sulub Axmed Firin waa nin dhalinyaro ah oo magaaldan wax badan ka soo shaqeeyay waxaan ka codsan lahaa in intii karaankiisa ah oo wax ka badal ku sameeyo habka shaqooyinka saldhigyada .

Diiwaan weyn in wax lagu qoro adduunka casriga waa ka tagay. Saldhigga dhexdiisa ayaa EVC lagu kala tuuranaa . Bixiyihii ayaa weydiinaya oo leh taliye ma heshay lacagtii? Markaasuu leeyahay waa kaa hayaa.

Ujeedkeygu ma ahan in aan suurad xumeynayo ciidankeenna oo aan xaqiiqdii dartood ku seexanno ee waxeey Iga tahay niyad wanaag iyo wax aan toosinno. Isbaddal aya jira marka la eeego halkaan ka nimid,waxaanse u baahannahay isbadal weyn.