Somaliland oo shirkadaha isgaarsiinta dul dhigtay amar uga sii daraya xiisadda L/C

Laascaanood (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ku amartay Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl-gala magaalada Laascaanood ee gobolka Sool inay muddo kooban hakiyaan adeega telefoonada iyo Internet-ka.

Xukuumadda Somaliland ayaa shirkadahaan ku amartay inay sida ugu dhaqsaha badan u fuliyaan arrintaan, si hoos loogu dhigo kacdoonka sii xoogeysanaya ee ka socda Laascaanood, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyiin illo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Shirkadaha ay amarkaan gaarsiisay Somaliland ayaa waxaa kamid ah shirkada Golis oo ayadu ka howl-gasha Puntland, kana mid ah shirkadaha isgaarsiineed ee ay isticmaalaan dadka reer Laascaanood.

Weli ma cadda jawaabta ay Shirkadaha Isgaarsiinta ka bixin doonaan amarka Somaliland oo guud ahaan saamaynaya isgaarsiinta magaalada Laascaanood.

Somaliland ayaa hore u qaaday tallaabooyin noocan oo kale ah, wuxuuna ujeedkeedu yahay sidii ay meesha uga saari laheyd kacdoonka socda ee sida weyn loogu baahiyay Internet-ka iyo baraha bulshada.

Rabshadaha ka socdo Laascaanood ayaa waxaa ku dhintay illaa 5 qof oo rayid ahaa, kadib markii ay isku dhaceen Booliska iyo dibad-baxayaal ka careysan dilal qorsheysan oo magaaladaas ku batay mudooyinkii dambe.

Xukuumada Somaliland oo shalay ka hadashay rabshadaha haatan ka socdo magaalada Laascaanood ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin lagu xakameynayo xiisadda ka taagan magaaladaasi oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay inay bixineyso magta iyo xabaala qodka dadka ku dhintay rabshadaha magaaladaas oo xarun u ah gobolka Sool.