Somaliland oo si yaab leh u qeexday ciidamadii dhowaan uga goostay dhanka Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay ciidamo ka tirsanaa oo ka howl-gali jirey deegaanada gobolka Sanaag, oo dhowaana u goostay dhinaca maamulka Puntland.

Cabdirisaaq Cabdi Saalax, Wasiirka Cadaalada Somaliland ayaa sheegay in ciidamadaasi aysan markii horeba wax faa’iido ah u laheyn maamulkooda, isla markaana ay ahaayeen wax-matarayaal ku sugnaa deegaankaasi.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu si adag u beeniyay in uu jiro calan ay Somaliland leedahay oo laga dejiyay deegaano ka tirsan Somaliland, isagoona ku tilmaamay kuwo la soo bandhigey inay yihiin kuwo been abuur ah.

Waxa sidoo kale oo uu Wasiirku sheegay in maamulka Puntland aysan marnaba ku biirin ciidamada awooda iyo tayada leh ee Somaliland, balse ay ku biiraan ciidamo aan waxtar laheyn.

Hadalka Wasiirka ayaa waxa uu ku soo aadaya un dhowr cisho kadib markii uu maamulka Puntland soo bandhigay ciidamo ka tirsan Somaliland oo u goostay dhankooga, iyagoona dhowr jeer oo horena sidaasi oo kale u soo bandhigay ciidamo badan oo ka soo goostay Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com