Somaliland oo soo saartay qodobo xasaasi ah kadib shir ka dhacay taliska ciidamada

Hargeysa (Caasimada Online) –  Qodobo xasaasi ah ayaa kasoo baxay shirka amniga Somaliland oo ka qabsoomay xarunta taliska ciidanka Somaliland ee magaalada Hargeysa.

Shirkaan oo uu guddoomiyey wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay wasiirka gaashaandhiga iyo taliyeyaasha guud ee ciidamada kala duwan ee Somaliland.

Kulanka oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay amniga caasimada iyo guud ahaan kan deegaanada maamulka, ayada oo laga soo saaray lix qodob oo xasaasi ah, oo qaarkoodna farriin toos ah loogu diray shacabka.

Hoos ka aqriso qodobada kasoo baxay shirka, oo u dhigna sidan;

  1.  In la adkeeyo amniga Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba amniga Guud ee Dalka.
  2. In maalmaha Ciida iyo guud ahaanba bisha barakaysan ee Ramadaan inta lagu guda jiro in la la xoojiyo amniga, ciidamo dheeraad ahna la geeyo suuqyada caasimadda iyo magaalooyinka kale ee waaweyn.
  3. Waxaa la farayaa bulshada ku ganacsata suuqyada waaweyn ee caasimada dalka in ay ka fogaadaan wadooyinka, si aanay u xanibin isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha maalmaha Ciidda.
  4. Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda jecel waxaa la farayaa in ay feejignaadaan ciidamada nabad-gelyadana ay gacan ku siiyaan ilaalinta nabad-galyada.
  5. Waxaa lala socodsiinayaa shacabka Jamhuuriyadda Somaliland in ay ka feejignaadaan dhibaatada uu dabku leeyahay ama laydhku, kana taxadaraan, waxaana la farayaa shirkadaha bixiya adeega laydhka in ay nidaamiyaan xadhka laydhka, ayna mariyaan meelaha hoose sida dhulka hoostiisa.
  6. Waxaa la farayaa ciidamada nabadgelyada in ay xoojiyaan amniga inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan, maalmaha Ciidda, una diyaar garoobaan adkaynta amniga maalinta Qaranka ee xuska 18-ka May ee loo diyaar garoobayo.