Somaliland oo u hanjabtay saraakiishii ciidankeeda ka tirsanaa ee ku biiray Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadashay Saraakiil iyo ciidamo ka tirsanaa Maamulkood oo u goostay maamulka Puntland

Wasiirka gaashaandhigga Somaliland, C/Qani Maxamuud Caateeye oo warbaahinta kula hadlayey gudaha magaalada Hargeysa ayaa sheegay inay talaabo adag ka qaadi doonto Saraakiishaas.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku hanjabay inay Maxkamadeyn doonaan Saraakiishii iyo ciidamadii ka goostay Somaliland ee ku biiray Puntland, isagoona ku eedeyay inay yihiin qaran-dumis.

“Ciidamadu waxay kamid ahaayen Ciidamada Somaliland, Waxan halkan fariin ugu dirayaa Ciidamadii ka goostay Somaliland ee ka baxay, ay noqden Niman kasoo horjeestay dowladoodii, dowlad dumisna ay noqdeen, laguna maxkamadeynayo wixii maanta ka dambeeya, kiiskoogina ka bilaabmi doono, una gudbin doono maxkamada darajada koowaad ee gobolada bariga” ayuu yiri Wasiir C/qani Caateeye.

Wuxuuna intaas kusii daray “Intuu berrina halkan galo ayuu hadana maalinta kale halkan imanaya, maalinta uu yimaado ayaa wixii xukuna ee halkaa kasoo baxa, noocu doono ha ahaade, ayaa lagu xukumi doona laguna dhaqmi doona hadu ilaahay idhaahdo”.

Wasiirka ayaa wuxuu ugu dambeyntiina sheegay inaysan jirin wax amar ah oo lagu faray Saraakiisha goosatay inay weerar ku qaadan degmada Badhan, isagoon tilmaamay inay Badhan kamid tahay deegaanada hoos taga maamulkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com