Somaliland oo wada qorshe uga sii dari kara xiisadda ka dhalatay heshiiskii BADDA

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa bilaabay caburin adag oo ay la kulmayaan dadka ku nool gobollada waqooyi ee ka hor-yimid ama dhaliilay heshiiska qar iska tuurnimada ah ee Muuse Biixi uu badda ku siiyey Itoobiya.

Dadka la xiray waxaa ka mid ah Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ah saxafi samafale ah, marar badan ayey Somaliland ninkaan horay u xirtay, balse hadda waxaa loo heystaa inuu ka mid yahay dadka ugu hadallada kulul ee ka hor yimid heshiiska Somaliland ay ku bixineyso badda Soomaaliyeed.

Magaalooyinka Saylac iyo Lughaye oo badda ay rabto Itoobiya ay ku taallo ayaa marti gelinaya dibadbaxyo waaweyn, kadib markii ay kaceen dadkii ku noolaa, waxaana la sheegay in dadkii banaabaxyadaas abaabulay qaarkood ay xirtay xukuumadda Muuse Biixi.

Waxaa xusid mudan in masuuliyiintii xukuumadda Muuse Biixi ku meteleysay magaalooyinkaas ee ka soo jeeday beesha Ciise oo ay ugu horeeyaan wasiiradii gaashaandhigga iyo ganacsiga Somaliland ay is casileen.

Warbaahin uu ugu horeeyo MM Somali TV iyo maamulkiisii Maxamed Ilig iyo Cabdishakuur Dayib Maxamed ayaa xabsiga loo taxaabay habeen ka hor, kadib markii ay xarunta u soo dhaceen ciidamo taabacsan Muuse Biixi oo ka carooday dood adag oo ka socotay Twitter Spaces.

Doodaas waxay dhexmareysay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad, Feysal Cali Sheekh oo Hargeysa jooga xubin sarena ka ah maamulka Somaliland iyo dadweyne badan oo qadka loo furay, si ay aragtidooda u dhiibtaan.

Markii ay ciidamadu soo galeen xarunta waxaa joogsatay doodii, waxay xireen guddoomiyaha TV-ga Maxamed Ilig iyo agaasime Cabdishakuur Dayib, war ka soo baxay maamulka TV-gana waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay burburiyeen qalabkii yiilay xarunta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku cambaareysay tallaabooyinka ay Somaliland ku caburineyso dadkii ka hor yimid heshiiskii badda ee Muuse Biixi uu la soo galay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay aad uga xun tahay tallaabooyinka gurracan ee maamulka Somaliland  isugu dayayo in uu ku af qabto warbaahinta iyo dadweynaha gobollada waqooyi ee dalka ee ka dhiidhinaya Is-afgaradka sharci daradda ah ee xadgudubka ku ah gobonimada iyo sharafta dadka Soomaaliyeed ee uu la soo galay dowladda Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka xalay ka soo baxay DF.

Warkaan ayaa intaas ku sii daray, “In la beegsado weriye iyo warbaahin si madax banaan oo dheelitiran u tabinaysa wararka iyo xaqiiqda deegaanada Somaliland ka taagan maanta ee ay ku kaceen laamaha amniga ee Somaliland waa nasiib darro muujinaysa halka uu taagan yahay heerka ku xadgudubka xaquuqda aadanaha iyo ku dhaqanka sharciga.”