Somaliland oo war cusub ka soo saartay Tukaraq iyo waxay ka damacsan tahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulan ay madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa maanta ku yeesheen xubnaha golaha wasiirada maamulkaas, ayaa waxa ay kaga hadleen arrimaha amniga, gaar ahaan xaaladda deegaanka Tukaraq, oo ay ka dhaceen dagaallo u dhaxeeya Somaliland iyo Puntland.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoominayey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxana lagaga hadlay arrimo dhowr ah oo ku saabsan amniga, iyo horumarka Somaliland.

“Qodobada ugu muhiimsanaa ayaa waxa ka mid ahaa xaaladda xuduudaha bariga Somaliland oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay weerarro kaga imanayeen maamulka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Somaliland.

Puntland ayaa dhowaanahan ku hanjabeysay inay xoog ku qabsan doonto Tukaraq.

Sidoo kale waxa uu shirka lagu  caddeeyey inay Somaliland ka go’an tahay sugidda xuduudaheeda, isla-markaana ay Somaliland beesha caalamka iyo dalalka deriskaba u xaqiijinayso muhiiim nabada iyo deganaanshaha.

Hadalka kasoo baxay Somaliland ayaa imanaya ayada oo maanta hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha ee ICG ay sheegtay in dagaal kale oo ka dhaca Tukaraq ay si aad ah suurto-gal u tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com