Somaliland oo war ka soo saartay xaaladda caafimaad ee Siilaanyo iyo warar sheegaya in…

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maalmihii dhowaa waxa uu ku xanuunsanayay isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, halkaasi oo dhowaan uu aaday.

Warbaahinta Somaliland waxay baahiyeen xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo in ay tahay mid aad u liidato, inkastoo xubno ka tirsan maamulka Somaliland ay beeniyeen wararkaasi.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maamulka Somaliland C/laahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay xaalada caafimaad ee Madaxweyne Siilaanyo in ay tahay mid aad u wanaagsan, uuna qabo caafimaad taam ah.

Dhinaca kale C/laahi Maxamed Daahir Cukuse Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee maamulka Somaliland ayaa sheegay in Dowladda Sacuudiga ay kula heshiiyeen sanadkan xoolaha Somaliland in ay u iib geeyaan dalka Sacuudiga.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com