27.5 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Xog: Maxaad kala socotaa Kooxaha ay kala taabacsan yihiin xildhibaanada mooshinka wada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia dib uga bilowday macaashka Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada Somalia.

Mooshinka oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaanada ugu badan ayaa waxaa ka dhexmuuqda Xildhibaano hore usoo carqaladeeyay Xukuumadii dhacday.

Xildhibaanada ugu badan ee iminka wada Mooshinka ayaa kala taabacsan Kooxaha Damul-Jadiid iyo Daljir, kuwaa oo aan ka dhexmuuqan xukuumada hadda jirta ee eedeymaha loo jeediyay.

Xildhibaanada qaar ayaa iyagu cuskanaaya inay lahaayen dadaalka uu kusoo baxay Madaxweyne Farmaajo, balse uusan ka dhabeyn ballanqaad ay wada galeen mudada uu socday ololaha.

Xildhibaanada Damul-Jadiid ee is hortaaga ku haya Xukuumada ayaa waxaa kamid ah Odawaa, Mahad Salaad, C/risaaq Cumar, halka Xildhibaanada Daljir uu kamid yahay Axmed Fiqi iyo Xildhibaano dhowr ah.

Xildhibaanada labada garab ee Damul-Jadiid iyo Daljir ayaan wadaagin maslaxad siman, waxa ayna garab waliba dooneysaa inay u awood sheegato Xukuumada, si tan lasoo dhisi doono ay uga dhexmuuqdan.

Sidoo kale, Xildhibaanada Labada garab ee u tafa-xeydanaaya laalida Xukuumada cusub, ayaa adeegsanaaya Xildhibaano ku cusub Siyaasada kuwaa oo lagu marin habaabinaayo ballanqaad.

Dhinaca kale, Ra’isul wasaaraha Xukuumada ayaan culeyska saareynin horfadhiisiga Xildhibaanada lafdhabarka u ah Mooshinka, waxaase muuqaneysa inuu xooga saarayo kuwa isaga taageersan.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News