Somaliland oo war kasoo saartay dhaq-dhaqaaqa Awdal State

Boorama (Caasimada Online) – Somaliland ayaa si adag uga hadashay dhaq-dhaqaaq Awdal State ee looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo abaabulkiisa uu ka socdo dalka dibaddiisa.

Wafdi uu hoggaaminayo madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo maalmihii dambe ku sugnaa magaalada Boorama ayaa go’aanno ay soo saareen ku sheegay in gobolka Awdal iyo bulshadiisuba tahay Somaliland.

Waxay hoos u dhigeen walaaca in dhaq-dhaqaaqyada ka socda dalka dibaddiisa ay saameyn weyn ku yeeshaan gudaha, “Wax Awdal State la yiraahdo kama shaqeynayso halkan, Awdal waa Somaliland.”

“Shacabka gobolka Awdal waa shacab kamid ah shacab weynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayna yihiin dadkii aas-aasay Somaliland taariikh fogna ku leh, ayna jirin wax la yidhaahdo Awdal State iyo cid kale oo sheegan karta ama ka arrimin karta arrimaha gobolkan iyo danahiisa,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo warbaahinta u aqriyay go’aannada kasoo baxay wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Saylici.

Bulshada gobolka ayaa waxay ugu baaqeen midnimo iyo in meel looga soo wada jeesto, wax ay ugu yeedheen “cadowga Somaliland”.

“Wafdiga waxay ugu baaqayaan shacabka gobolka guud ahaan adkeynta midnimada, wadajirka iyo danaha bulshada in laga wada-shaqeeyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland.

Go’aannadan ayaa imanaya xilli magaalada Ottawa ee dalka Canada uu ka dhacay shir dib boorka looga jafayo arrinta Awdal State, oo looga soo horjeedo xukuumadda Somaliland, kaasi oo looga dhawaaqay wax loogu yeeray “madax-banaanida gobolka.”

Isku soo wada duubo, Somaliland ayaa wajaheysa culeyskii ugu xooggana xilli ay lumisay magaalada Laascaanood iyo guud ahaan gobolka Sool, oo ay himika ka arrimiyaan hoggaanka SSC-Khaatumo, oo dhawaan aqoonsi ka helay dowladda federaalka Soomaaliya.