Somaliland oo war kasoo saartay qorshaha Kenya ay ugu soo dirayso wakiil

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumadda Muuse Biix ayaa markii u horeysay ka hadashay qorshe ay dowladda Kenya ku dooneyso inay xafiis kaga furato Somaliland.

Wasiirka Arimaha Dibeda Somaliland Yaasiin Faratoon, ayaa isagoo ka hadlaya xiriirka ka dhexeeya Somaliland iyo Kenya, ayaa wuxuu ka dhawaajiyey inaysan hadda jirin xafiis ay leedahay Kenya oo laga furay gudaha Somaliland.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadoodu ku rajo weyn nahay in la furo xafiiskaas oo Madaxweynaha Kenya-na uu saxeexo, wuxuuna yiri

“Arintaasi waa arin muddo dheer laga shaqeeynayey, waana arrin fiican inaynu dalka Kenya xidhiidhka inaga dhexeeya aynu sii wanaajino oo dalkeena Xafiis ka furtaan, waana soo dhaweeynaynaa, aadna waanu uga rajo qabnaa, laakiin wali go’aan uu Madaxweynuhu ogolaaday oo uu saxeexay maaha, soo jeedin baa loo sameeyey”

“Golaha Wasiiradduna hore ayey iskugu afgarteen, inuu Madaxweynuhu saxeexana waa laga rajo qabaa, nin bay magacaabeen laakiin inuu Madaxweynuhu saxeexo weeye, Madaxweynaha ayaa ka maqnaa imika, Madaxweynuhu marka uu yimaado ayey saxeexayaan”.

Wasiirka Faratoon ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadaha Beesha Caalamka ee qabsoomida Doorashada Somaliland iyo halkay mareyso Siyaasadda Arrimaha Dibaddu, wuxuuna yiri

“Wax inoo cusub maaha inuu Caalamku xiiseeynayo Doorashooyinka oo inoo dhaca, Caalamkuna muddo ayuu inaga sugaayey inaynu Doorashooyinkeena qabsano, xageena ayey ka xanibnaayeen oo ay ka xidhnaayeen, laakiin imika waa kuwan go’aan la gaadhay, haddii xageena ay ka fududaato oo la isku wada afgarto inay Doorashadu inoo dhacdo, waa sida ugu wanaagsan ee Caalamkuna inaga sugaayey”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com