Warbaahin hab ku cusub Soomaaliya u shaqeysa oo dalka laga hir-geliyey

6 Bishii hore ee March waxaa magaalada Muqdisho lagu soo bandhigay, warbaahin cusub oo Online ah, una gaar ah qoraalka aan siyaasadda hadda taagan ahayn iyo wararka la xiriirin. Warbaahintaan, waxaa la yiraahda NETBEINS.

NETBEINS, waa shirkad warbaahineed laakiin ka duwan qaabka ay warbaahintu u shaqeyso inta badan haddey tahay waxa ay wax ka qoraan oo u badan News iyo sida ay ku gudbiyaan (channel) oo u badan idaacad, TV iyo wargeys, NETBEINS intaas midna ma ahan, mana qorto dhacdooyinka maalin laha ah (News), laakiin waa suurtagal iney taxliil ka qorto dhacdo weyn haddey timaado.

NETBEINS, waxey xoogga saareysaa xogaha ku saabsan arrimaha bulshada gaar ahaan kuwooda aysan warbaahintu taaban sabab kasta haku kaliftee, sida carruurta looga tago waddooyinka oo soo badanaya beryahaan, gabdhaha ilmaha iska soo rida oo iyaguna aad soo batay, kufsiga ay geysanayaan dad waaweyn oo kordhay, dawooyinka iyo cuntada dhacday ee sida hoose loogu iibiyo waddanka, furriinka tirada beelay ee aan waxa uu salka ku hayo weli la darsin.

Dabcan dhammaan arrimahaas waa ay jiraan in sidii warkii keliya la yiraahdo waa ay jiraana kuma filna laakiin waxey ubaahan yihiin taxliil iyo in si hoose oo cilmiyeysan wax looga qoro si dadka go’aankooda leh ay u ogaadaan meesha cilladdu ka jirto. Sidoo kale waxyabaaha qaar waxaa suurtagal ah inaan weli wadcigu saamaxeyn ka hadalkooda.

Marka laga yimaado iney NETBEINS uga hadleyso arrimahaas qaab mowduuci ah (issues), oo aysan xoogga saareyn dhacdada iyo shaqsiyaadka, waxaa kaloo jira xoga badan oo ay iyagana soo gudbin doonto NETBEINS, sida ay sheegeen, sida Taariikhda dadka iyo dalka, keydinta iyo soo gudbinta shaqsiyaadka saameeynta ku leh bulshada iyo dalka haddey noolyihiin iyo haddey dhinteen ba, qorista sheekooyinka casharada leh ee ka imanaya dadka iyo qoysaska Soomaaliyeed ee dhiiragelinta leh waxna laga baran karo, soo koobista iyo gorfeynta Buuggaagta macnaha leh.

NETBEINS waxey turjumeysaa, soona koobeysaa sheekoyinka Novel ka ah iyo buuggaaagta ku qoran luuqadaha kale ee leh wax laga baran karo, sidoo kale waxaa jira warqado iyo canjalado dunida waxbadan ka baddalay oo qaarkood dagaallo huriyey, qaarkood colaado damiyey, qaarkood laga qoray buuggaag, lagana matalay filimaan, dhammaan waxaas iyagoo kooban iyo iyagoo dhammeystiran ayey soo koobeysaa NETBEINS.

Magaca ah NETBEINS oo wada xarfo waaweyn ah, majirto luuqad uu ka yimid, laakiin waalagu aqrin karaa, lagu dhawaaqi karaa laguna qori karaa luuqad kasta, Soomaali ahaana dhawaqu wuxuu noqonayaa (NETbiinis).

NETBEINS xeerar keeda ka mid ma ahan xayeysiis, kumana arki doonaan aqristayaashu wax xayeysiin ah nuuc kasta oo ay tahay, sidoo kale ma jiri doonaan maalgeliyayaal (sponsers) Xogteedana inta badan waxaa keliya aqrisan kara dadka rukunta ama iibsaday (Subscribers), sidaas darteed NETBEINS waxey keliya tixgalin u haysaa aqristaha iyo bulshada, waana mida ka dhigeysa iney u madax u bannaanato waxa ay ka hadleyso.

Www.Netbeins.com xogta oo ku jirta oo ah dhammaan wax qofka aqoontiisa, fikirkiisa iyo caqligiisa dhisaya, si aad u aqrisato, waa inaad iska diiwan gelisaa, aadna rukumataa, oo bixisa lacag yar oo 3 bilood, ama 6 bilood ama sanadkii ah.

Haddii aad haysato Card aad online ka wax uga iibsato, waadku ku rukuman kartaa Netbeins.com, haddii aad dalka joogtana waxaad ku rukumankartaa EVC ama ZAAD, weliba qaab aad u fudud. Keliya waxaad ubaahantahay inaad booqato www.netbeins.com, isagaa ku hagi doona webku.