Yariisow oo amar adag dul dhigay shacabka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wareegto kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Eng Cabdiraxmaan Cumar Cism,aan Yariisow ayaa waxaa amar culus la dul-dhigay Shacabka ku nool Gobolkaan Banaadir.

Amarkaan oo uu Warbaahinta u Akhriyey Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku saabsan dib u Habeynta Bulaacadaha Magaalada Muqdisho iyo Naleynta Magaalada si Bilicda dib loogu soo celiyay.

1 – In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka kasoo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo istecmaalo mid gaar ahaaneed.

2 – In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.

3 – Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com