Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo kulan ku leh Villa Somalia

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda SOomaaliya ayaa sheegayo inuu kulan u socdo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynihii hore ee Sheekh Shariif Sh. Axmed.

Kulankaan oo ah mid alabaabada uxiran yihiin ayaa waxay labada Mas’uul ku leeyihiin Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadlayaan labada Mas’uul, haddana waxaa la rumeysan yahay in laga wada hadlayo xaaladaha Siyaasadeed ee heysato Dowladda Farmaajo oo mucaarad xooggan kala kulmeyso siyaasiyiin badan oo uu kamid yahay Sheekh Shariif Shiikh Axmed.

Kulankaan ayaa kusoo aadayo xilli Sheekh Shariif uu shalay weerar culus ku qaaday Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlayay munaasabadda daah furka Xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ayaa sheegay in uusan ka aamusi karin xaaladaha qaar ee dalka ka jira, isagoo ka dhawaajiyay in Amniga Muqdisho iyo guud ahaan Soomaaliya uu hoos u sii dhacayo.

“Amniga Muqdisho hoos ayuu u sii dhacayaa, in magaaladna xirnaato, amni uusan jirin ma ahan wax sax ah, waa in istiraatiijiyadaas dowladda wax ka qabato, dowladda labo sano ayay wax qabanayesay, illaa iyo hadda laguma qanacsana.

Khudbadda Sheekh Shariif ka jeediyay munaasabadda daah furka Xisbigiisa ayaa aheyd mid dhinac badan taabaneysay oo si guud ah uga hadlay xaalada dalka, waxaana tani meesha ka saareysa hadalo badan oo Shariifka lagu xamanayay oo ahaa intii uu ka aamusnaa xaalada dalka, isla markaana Madaxdda Villa Somalia xiriir dhow kala dhaxeeyay.

Fadlan la soco wixii kusoo kordha kulankaas hadda u dhaxeeyo Farmaajo iyo Sheekh Shariif.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com