Darbiga Kenya ee xuduuda Soomaaliya oo bur-burin lagu billaabay iyo sababta

Beledxaawo  (Caasimadda Online) – Dadwayne careysan oo kusugan degmada Beled xaawo ee gobolka gedo ayaa waxa ay burburiyeen qaybo kamid ah darbiga ay Kenya ka dhistay xadka kala qaybiyo Soomaaliya iyo Kenya Sida ay qorayaan warbaahinta qaar ee dalka Kenya.

Dadka degan Beled xaawo ayaa lasheegay in ay jarjareen qaar kmaid ah siligyadii xeendaabka looga dhigay darbiga iyadoona booliska Kenya ee qaabilsan ilaalinta xuduuda ay rasaas kor u rideen si ay ukala cayriyaan dadka iskugu soo xoomay darbiga.

Dhisda darbiga kala qeybiyo xadka soomaaliya iyo Kenya ayaa muran badan dhaliyay iyadoona dadka ku sugan deegaanada u dhaw xadka labada dal ayaa dhawr jeer halkaasi ka dhigay dibad baxyo ay kaga soo horjeedaan darbiga ay dowlada Kenya ka dhiseyso xadka kala qeebiya labada dal.

Bishii la so odhaafay, Barlamaanka dalkaasi waxay ka codsadeen Baarayaasha inay dib u eegis ku sameeyaan qaabka kharaj dhan 3.4Billion oo Shillinka Kenya loo adeegsaday dhismaha 10-KM oo ka mid ah Dhismaha Derbiga Xuduudka.

Dowladda Kenya waxay bishii April ee sannadkii 2015-kii ansixiyeen in Derbigaasi laga dhiso masaafo dhan 400 oo KM oo ku teedsan dhulka xuduudka ee u dhexeeya Kenya iyo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com