Xog: Waa kuma ninka ay gacantu ku go’day qaraxii Somaliland ee baraha bulshada qabsaday?

Hargeysa (Caasimada Online) ― Maalmihii u dambeeyay waxa baraha bulshada ku wada xiriiran aad u qabsaday Nin odey ah oo gacan iyo lug ka go’day, kaasi oo lagu eedeynayay inuu qarax u maleegayey Somaliland.

Ninkan oo ah qof waayeela ayaa isagoo lagu daweynayo dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa ayaa inta sawir laga soo qaaday lagu baahiyay baraha bulshada, iyadoona lagu eedaynayo inuu qarax uu ku xidh-xidhayey magaalada Wajaale uu ku qarxay.

Hadaba Sida xogta ku helayso Caasimada Online, ninkan odeyga ah ee dhaawacu kasoo gaaray walxaha la isku daray, ayuu Magaciisa oo dhamaystiran yahay Xasan Cali Yuusuf Xasan oo ku magac dheer Xasan Carab, wuxuuna ahaa nin ganacsade ah oo muddo badan ku noolan jirey dalka Kuweyt, kaasi oo sanadahan dambena usoo wareegay Magaalada Muqdisho oo ah halkuu asal ahaan kasoo jeedo.

Aabihiina waa Cali Yuusuf Xasan oo ahaa xildhibaan hore uga tirsanaan jirey Baarlamaanka Soomaaliya, waan qoys ah Ahlu-Sunna wal-jamaaca.

Xasan Carab ayaa wuxuu ahaa ganacsade ka shaqeysta macdanta sida ay Caasimada Online, usheegen qaar kamida eheladiisa iyo dad ay isku dhow-yihiin, iyagoona ku sababeeyay tagitaankiisa Wajaale arrimo ganacsi.

Waxa kale oo la xiran Xasan Carab, Wiil reer Boorama ah oo dilaal ahaa iyo gabadhii laheyd guriga hawshu ka dhacday ee magaalada Wajaale, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen dad ka ag-dhawaa goobta falku ka dhacay, iyagoona ku tilmaamay inuusan falkaasi aheyn mid argagixiso.

Ciidamada amaanka Somaliland ayaa maalintii Jimcihii gacanta kusoo dhigay laba nin oo uu kamid yahay ninkan waayeelka ah iyo gabar kale, kadib markii jugta dhawaaqa walxaha ku qarxay ee ay gacanta ku hayeen laga maqlay magaalada.

Si Kastaba, Qaraxan ayaa la sheegaya inuu ka dhashay aalado macdan loo maleeyay oo la furfurayey oo sida la sheegay ganacsi ahaan loo isticmaalayey, Balse weli waxa socota baaris ay arrintan ku wadaan ciidamada amaanka Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com