Xog: Faro-gelin ka timid Farmaajo oo baajisay shirkii deg degga ee golaha wasiirada (Maxaa la isku hayaa?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Shir degdeg ah oo lagu waday inay maanta yeeshaan golaha wasiirada Soomaaliya ayaa la baajiyey kadib faro-gelin ka timid madaxweyne Farmaajo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Wasiirada ayaa goor sii horeysay oo shalay ah, waxaa loo diray farriimo qoraaleed loogu sheegay inay isugu yimaadeen shir aan caadi aheyn oo maanta oo Axad dhici lahaa, islamarkaana uu ra’iisul wasaaraha guddoomin lahaa.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu soo farageliyay in kulankaas la baajiyo, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedka.

Qorshaha uu ahaa in shirka looga hadlo Sharciga iyo hanaanka doorashooyinka ka hor shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Garowe 2-da bisha May.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha aysan isku fahamsaneyn qorshaha doorashada 2021, iyadoo dhowr jeer oo laga hadli lahaa dib loo dhigay, kadib markii qorshooyinka labada dhinac ay is-waafaqi waayeen.

Shirkan ayaa waxaa uu hordhac u noqon lahaa ujeedkiisa ahaa ka hor shirka wadatashiga ee Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku yeelanayaan magaalada Garowe 2-da bisha May.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com