Somaliland oo war kasoo saartay wada-hadallada ay la galayso Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa markale ka hadashay mawqifkeeda ku aadan Wada-hadalada ay la galeyso Soomaaliya, iyada oo ka dhawaajisey inay diyaar u tahay inay Soomaaliya kala hadasho wixii ay isku maan-dhaafsanyihiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Yaasiin X. Maxamuud Xiir [Faratoon], oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay waxa uga meel yaal Wada-hadalada Somaliya, waxa uuna yiri “Somaliya diyaar ayaanu u nahay inaanu wada hadalno wixii aanu isku maan-dhaafsan nahayna meel isla dhigno, oo aanu waliba qancino, sida uu marar badan uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Muddane Muuse Biixi Cabdi, mawqifka ay doonaanba ha istaagan laakiin inagu waxaynu nahay kuwa diyaarka u ah inaynu qancino, sida ugu haboona u qancino, maxaa yeelay qaranimada Somaliland waa mid aan marnaba laga laabaynin”

Wasiirka ayaa sidoo kale ka waramay dadaalada ay ugu jiraan sidey ictiraaf ku heli laheyd Somaliland “Horumar baa socda, maalin walbana wax baa inoo soo kordhaya, inaguna weynu dadaalaynaa, wixii dadaal ah ee inala gudboona weynu sameeynaynaa, weyna ka midho dhalin doonaa ictiraafkeena, wakhtiga ay doontaba ha noqoto waa hubaal inaynu helayno ictiraaf, horumarka aynu ku talaabsanay,iyo heerka aynu ka gaadhnay, iyo waliba madax banaanideena cid walba inaynu ku qancino ayaanu rabnaa, xidhiidh aad u fiicana weynu la leenahay Caalamka iyo Wadamada aynu jaarka nahayba” ayuu yiri Wasiir Faratoon

Wuxuu intas kusii daray Wasiirku “Mar kasta waxaanu leenahay qaranimada Somaliland waa mid muqadas ah, Shacabka reer Somaliland aragtida Siyaasada wey ku kala duwanaan karaan, oo waxaynu Xisbiyada aynu u sameeysaynay waa in dadkii isku aragti ahiba inay isku Xisbi noqdaan, laakiin waa inaynu mar walba mid ka midaysnaa, midaas oo ah wadaniyada iyo Somaliland-nimada, waana in guud ahaan Shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan, Xisbiga ay doonaanba ha ku jiraan, dalkay doonaanba ha joogaan, waa in mawqifkooda iyo aragtidooda Somaliland mid ka noqdaan, oo jiritaanka iyo ilaalinta wadankooda, mar walba waa inay mid ha ka ahaadan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com