Somaliland oo war lama filaan ka soo saartay saldhiga Imaaraatka ee Berbera

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa war aan la fileyn kasoo saaray dhismaha Imaaraatka Carabta uu doonayo inuu saldhig kaga sameysto magaalada Berbera.

Somaliland ayaa sheegtay inuusan jirin wax heshiis ah oo dhexmaray Somaliland iyo Imaaraatka, kaasi oo ku saabsan saldhiga Imaaratka doonayo inuu Berbera ka dhisto.

Wasiirka arimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo kasoo laabtay safar uu ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa sheegay in ilaa iyo hadda uusan jirin heshiis ay ka saxiixeen Imaaraatka.

Wasiirka wuxuu sheegay inay dantooda garanayaan oo uusan jirin wax heshiis ah oo la saxiixay, taasi oo meesha ka saaraysa in Imaaraatka saldhig ka sameysto deegaanada Somaliland.

Somaliland ayaa horey marar badan u sheegtay in Imaaraatka ay heshiiskaasi la gaareen, balse waxaa la ogeyn in madaxda Somaliland ay iska warheyn iyo inuu jiro khilaaf cusub oo arintan la xiriira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com