Somaliland oo war rasmi ah ka soo saartay xaaladda caafimaad ee weriye Coldoon

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa maanta war ka soo saartay xaalada caafimaad ee Cabdimaalik Muuse Coldoon, iyada oo shaacisayna baaritaan ay ku sameeyen Coldoon, kaaso oo looga shakisanaa cudurka Coronavirus/Covid-19.

Wasaarada caafimaadka Somaliland, ayaa sheegtay inay koox dhakhaatiira u direen xabsiga dhexe ee uu ku jiro Wariye Coldoon, kuwaasi oo soo darsayay xaaladiisa caafimaad, iyagoona dheecaano kasoo qaaday Coldoon.

Agaasimaha guud ee wasaarada oo ka warbixinayey, ayaa sidoo kale sheegay in baaritaankii Coldoon ee cudurka Coronavirus ay ku sameeyeen ay kasoo baxday natiijo hordhac ah, taasi oo lagaga waayay cudurkaasi looga shikisanaa.

Agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in Natiijadaasi hordhac ah kadib ay dheecaanadiisa u sii direen dalka dibediisa, midaasi oo lagu xaqiijinayo natiijada kasoo baxday baaritaankii lagu sameeyay Isbitaalka Hargeysa.

Waxa kale oo Agaasimuhu uu carabka ku dhuftay in Coldoon uu si weyn uga cabanayo cudur qabanaya Neefta, balse aan aheyn cudurka Covid-19, sida ku cad natiijada hordhaca ah ee baaritaankii lagu sameeyay Wariyaha.

Caasimada Online ayaa shalay baahisay xog ku saabsan natiijada hordhaca ah ee baaritaanka Coldoon, midaasi oo wasaaraduna ay maanta si rasmiya u baahisay isla natiijadaasi.