25.3 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Somaliland oo weerar culus ku qaaday Farmaajo iyo ra’isul wasaaraha Ethiopia

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Dheeg oo ka tirsan Golaha Guurtida Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay shirka la filaayo in dhawaan uu Somalia uga furmo magaalada Londo ee cariga dalka Ingriska.

Xildhibaan Dheeg oo wax laga weydiiyay wararka sheegaya in shirka London looga hadli doono in Somalia laga qaado cunaqabateynta Hubka, ayaa waxa uu sheegay inaanu taa suuragal aheyn waxa uuna tilmaamay in Somalia ay dhowr dowlad u kala go’day.

Xildhibaan Dheeg, waxa uu sheegay in isticmaalka Hubka Somalia loo fasixi karo kaliya marka ay tahay dowlad mideysan waxa uuna arrin aad u adag ku sheegay in Somalia xiligaani laga qaadi doono cunaqabateynta Hubka ee saaran.

Xildhibaan Dheeg, waxa uu sheegay in Somalia ay u kala go’day todobo dhinac, waxa uuna intaa raaciyay in Somalia ay ku jirto xaalad beel waliba ay gooni u hubeysan tahay.

Waxa uu Xildhibaanka intaa raaciyay in Hub waliba oo lasiiyo Somalia ay kala hari doonto Somaliland, waxa uuna cadeeyay in Somalia oo Hub lasiiyaa ay ka dhigan tahay Somaliland oo lamaja-xaabiyay.

Waxa uu sheegay in Somalia oo uu ula jeedo Xamar in 20ka sano ee soo socda aysan ku dhisan doonin maamul kala danbeyn leh sida maamulka Somaliland.

Sidoo kale, Xildhibaan Dheeg ayaa sheegay inuu aad ula yaabay wixii kasoo baxay wadahadalka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Ethiopia, waxa uuna arrin fool-xun ku sheegay in Ethiopia ay Farmaajo ka aqbasho midnimada Somalia.

Waxa uu tilmaamay in Ethiopia aysan ku baraarugin in Midnimada Somalia ay qeyb ka noqon doonaan dadka dega DDSI.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News