Somaliland oo xabsiga ku gurtay ganacsato ajaanib ah oo 6 dal kasoo jeeda

Hargeysa (Caasimadda Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xabsiyada ku gurtay ganacsato ajaanib ah oo ka shaqeysanayey deegaanadeeda.

Somaliland ayaa sheegtay in ganacsatadaa ay xabsiga dhigtay ay ka soo kala jeedaan dalalka Jarmalka, Shiinaha, Masar, Burtiqiis, Yeman iyo Suudaan.

Mustafe Maxamed Cali ‘Bile’, Agaasimaha guud ee wasaarada ganacsiga Somaliland ayaa si rasmiya u xaqiijiyay arrinkaasi, isagoona sheegay in ganacsatadaasi xabsiyada dhigeen ay ka shaqeysanayeen magaalada Wajaale, wuxuuna yiri

“Dhawaan Wasaarada ganacsiga waxa ay cabasho uga timi ganacsatada oo ka cabanaayay ajaanib faro badan oo ka ganacsanaayay ganacsigii ay hayeen, waxa ka mid ah ganacsatada soo cabatay kuwa Wajaale iyo Hargeysa”.

“Wasaaraduna kormeer ayay samaysay waxaanay tagtay Wajaale halkaas waxaanu ku soo aragnay ganacsato faro badan oo ajaanib ah oo Shiinees iyo kuwo kaleba isugu jirta, ganacsatadaas shiineyska ah oo ka ganacsanayey ganacsigii uu ka ganacsan lahaa qofka muwaadinka ah ee Somaliland waxay iibinayeen tafaariiq iyo jumladba”.

Wuxuuna intaas kusii daray Agaasimuhu “Waxayna meherado yar-yar ay ka furteen magaalada Wajaale, ganacsatadaas wasaaradu waa ay soo wada xidh-xidhay oo isugu jiray Shiine, Jarmal, Suudaan, Bortaqiis,Yamaniyiin, Masriyiin iyo Carab kale, markii la waydiiyay ruqsada ay ku shaqaynayaana waxay dhamaantood la soo baxeen liisamo ay leeyihiin muwaadiniin reer Somaliland ah”.

Xukuumada Somaliland ayaa si rasmiya ah u shaacin tirada ganacsatadaa ay xabsiyada ku gurtay, balse ku gaabsatay un dalalka ay ka soo kala jeedaan iyo magaaladii ay ka soo qabteen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com