Xog: Afarta sabab ee CC SHAKUUR uu uga haray Madasha Xisbiyada Qaran

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee Wadajir ayaa shalay ka haray kamid noqoshada Madasha ay ku midoobeen qaar kamid ah xisbiyada dalka ka jira, si ay isaga kaashaadaan daruufaha dalka ka jira iyo doorasho xor ah oo dalka ka dhacdo.

Cabdiraxmaan ma uusan sheegin sababta uu xisbigiisa uga haray Madasha xisbiyada, inkasta oo xubno ku dhow laga soo xigtay inaysan jecleysan qaabka wax loo wado, balse warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegayaa in ay sababeen ilaa afar arrimood oo gaar ah.

Xubno ka tirsan xafiisyada madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noo sheegay in daruufahaan ay sababeen diidmada hogaamiyaha xisbiga Wadajir ay kala yihiin

  1. Xisbigu waxa uu ogaaday in tartanka ugu adage e siyaasadda Soomaaliya uu hadda u dhaxeeyo madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo hoggaanka Soomaaliya, gaar ahaan madaxweyne Farmaajo, sidaas darteedna ay door bideen in ay isu abaabulaan awood gaar ah oo 3-aad.
  2. Xisbiga Wadajir waxa uu isku dayay in uu hoggaan ka noqdo Madasha maadaama Shariif iyo Xasan ay leeyihiin awood siyaasadeed iyo saameyn kalaba, islamarkaana ay halkaasi ku ilaaliyaan magaca iyo saameyenta xisbiga Wadajir balse ma dhicin waana sababta 2-aad oo ay uga baaqdsadeen kamid noqoshada Madasha.
  3. Sidoo kale madaxda xisbiga Wadajir ayaa uga baaqday Madasha in haddii ay ka mid noqdaan uusan xisbigooda gooni u hadli karin, waxna u dhaliili karin islamarkaana uu noqon doono mid ku xiran xisbiyada kale, haddii ay arrintaas dhacdana waxa wararka soo baxa ama khudbaha la jeediyo saameynta ugu badan yeelan doono madaxweyniyaashii hore ee dalka, kuwaas oo laga yaabo in ay ku bataan warbaahinta iyo baraha bulshada.
  4. Sababta afaraad ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur Wasrame u arko in madasha ay ku badan-yihiin oo kaliya xisbiyo hogaamiyaashooda isu dhawyihiin qoys ahaan iyo inyar oo doonaya in ay ku daba-feelmaan oo aad u yartahay rajadooda.

Ma jiro war cad oo ka soo baxay xisbiga Wadajir oo ku saabsan sababta ay ugu baaqdeen balse waxaa jiro qoraalo ay qaarkood soo dhigeen baraha bulshada islamarkaana ay ku sheegeen in wado sax aheyn loo maray Madasha dhismaheeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com