Somaliland: Shaqaalihii ugu badnaa oo la eryay + Sababta

Hargeysa (Caasimada Online) – Dawlada Hoose ee magaalada Hargeisa ayaa markii u horeysay sheegtay in shaqaalihii ugu badnaa ee ka hawl-galayay xafiisyada dawlada hoose ay shaqadooda ku waayeen arrimo la xiriira musuq-maasuq iyo laaluush.

Cabdikariim Axmed Mooge, Duqa magaalada Hargeysa ayaa sheegay in shaqaalaha la eryay ay lacago ka aruursadeen dad danyar ah, islamarkaana ay qaateen laaluush ay howl fudeydin uga qaateen dadweyne adeeg usoo doontay xarunta dawlada hoose.

“Waxaa soo baxay oo soo noq-noqaya inay jiraan dad shufto ah oo tuug ah, shacabkana ku baadhanaya magaca madaxda dawlada hoose iyo magacyada gaarka ah oo ku leh waxaa bixisaan lacag diiwaan-gelin ah si dhul la idiin siiyo,” ayuu yiri.

“Sidoo kale waxa jira kooxo kale oo dad masaakiin ah lacago kaga aruursanaya iyagoo leh keena lacag waxa idinka soo dhameynayna guddiga fulinta go’aamo aad dhul ka heshaan.”

Maayir Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay in dad kale oo ka tirsanaa shaqaalaha dawlada hoose ay u xiran yihiin falalkan, oo uu sheegay in uusan marnaba aqbali doonin

“Waxaa shaqadoodii waayay shaqaalihii ugu badna ee dawlada hoose looga eryay intii ay jirtay in wax isdaba-mariyeen ama qaateen laaluush. Arrintaas oo meel adag ka taagan yihiin maamulka dawlada hoose.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in maalin gaar ah u sameeyeen bulshada reer Hargeysa si ay masuuliyiintooda ula kulmaan, taasi oo qeyb ka ah la-dagaalanka musuq-maasuqa iyo dadweynaha lacag looga qaato hawlaha dawlada hoose.

“Maalinkasta oo Arbaca waxa dadka shacabka loo shaqeeya 2 duhurnimo illaa habeenkii, maalintaas waxa loo sameeyay qofkasta oo ay ku adkaatay in uu gaaro madaxda dawlada hoose.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxaa maalin kale u sameynay waxyaabaha ugu xasaasisan oo la yiraahdo maamulka iyo maareynta arrimaha dhulka oo maalinta Axada ayaa waxay labada gudi fadhiistan hoolka si ay bulshada ugu shaqeeyaan.”

Maayirka ayaa sheegay in tallaabooyinka u qaadayaan si meesha looga saaro in wax mad-madow ah uu soo galo shaqada dawlada Hoose ee u hayso bulshada ku nool magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.