Muxuu yahay qorshaha Galmudug kadib Xarardheere?

Xarardheere (Caasimada Online) – Gobollada Dhexe ee dalka oo haatan la’isku yiraahdo Galmudug waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Shabaab, kaas oo dhul weyn looga qasabaday kooxda, ayada oo ciidamada huwanta ay qabsadeen magaalooyin horleh.

Galmudug waxa ay shaaca ka qaaday in haatan xooggaga Al-Shabaab laga saaray 80% deegaanadeeda, gaar ahaan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta Galmudug sheegeen in haatan ciidamada ay ku hawlan yihiin, sidii ay Al-Shabaab uga fogeyn lahaayeen agagaarka degmada Xarardheere, isla-markaana ay howlgallo ka wadaan halkaasi, si looga hortago weerarada kooxda.

Dhanka kale guddoomiyaha maamulka gobolka Galgaduud Cilmi Cali Cabdi (Cilmi-Ganey) oo ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ka socdo Galmudug ayaa hoosta ka xariiqay in Xarardheere kadib qorshahooda uu yahay degmada Ceelbuur oo muddo ku jirto gacanta Al-Shabaab.

Ceelbuur ayaa ah degmada ugu weyn ee ay haatan xoogaga Al-Shabaab kaga sugan yihiin gudaha gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, maadaama inta badan deegaanada gobolkaas laga saaray, waxaana ugu dambeeyey degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad.

Gobolkan ayaa sidoo kale kamid ahaa meelaha ay ku xooganaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab, balse waxaa gaaray kacdoonka shacab ee ka socdo dalka, kaas oo ay iska kaashanayana ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale kuwa dadka deegaanka.

Galmudug waa maamul goboleedkii labaad ee guul weyn ka gaara dagaalka Al-Shabaab, waxaana ka horreeyay HirShabelle oo inta badan xoreysay deegaanadeeda.

Dhanka kale howlgalladan ayaa la filayaa inay ku fidaan gobollada kale, sida Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo uu haatan ka socdo diyaar-garowgii ugu dambeeyay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay dagaalka lagu qaaday oo ah abid kii ugu ballaarnaa, waxaana looga qabsaday saldhigyo muhiim ah.