Maxaa ka cusub shirka Lafta-gareen iyo mucaaradkiisa?

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa weli ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed dadaalada xal loogu raadinayo xiisada siyaasadeed ee ka taagan maamulkaasi, taasi oo u dhaxeysa Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaridka ee kasoo horjeeda muddo kororsiga madaxweynaha.

Shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed oo 17-kii bishaan ka furmay Baydhabo ayaa waxaa weli socda kulamo gooni-gooni ah oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada, ayada oo dhawaan uu madaxweynaha Soomaaliya oo furay shirkaasi uu sheegay inay muhiim tahay in la helo Koonfur Galbeed heshiis.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Aadan Madoobe oo laf-dhabar u ah dadaalada lagu rabo Koonfur Galbeed heshiis ah ayaa waxa uu kulan la qaatay wafdi ka socda gobolka Bakool oo magaalada Baydhabo u jooga shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdiga ka socda gobolka Bakool ayaa waxaa kulankooda diiradda lagu saaray sidii loo suura-gelin lahaa guul ka gaarista shirkaan iyo inuu natiijo wanaagsan ku soo dhamaado

Wafdiga oo isugu jiray odayaal dhaqameed, siyaasiyiin iyo bulshada rayidka ayaa waxay guddoomiyaha u sheegeen in ay garab taagan yihiin sidii shirkan loogu guuleysan lahaa islamarkaana degaannada looga xorreyn lahaa kooxda Khawaariijta Al-Shabaab.

Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa sidoo kale waxa uu odayaasha dhaqanka u xil-saaray in ay xaliyaan khilaafaadka iyo wixii mad-madow ah ee ka dhex jira bulshada reer Koonfur Galbeed, si wajiga koowaad ee dib-u-heshiisiinta u noqdo mira-dhal.

Aadan Madoobe oo Baydhabo ku sugan muddo ku dhaw bil ayaa waxa uu dadaal badan ku bixinaya sidii uguuleysan lahaa shirkan, oo dan u ah maamulka Koonfur Galbeed oo dhulkeeda inta badan gacanta ugu jira Al-Shabaab.

“Arrinta dib-u-heshiisiinta laab la-kac ma ahan, ujeedo kalena lagama laha ee waa helista Koonfur Galbeed oo mid ah,” ayuu Aadan Madoobe ka sheegay furitaankii shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka dib-u-heshiisiinta ayaa waxaa lagu wadaa in heshiis looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe ka dhex aloosneyd madaxweyne Lafta-gareen iyo siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed, waxayna u badan tahay in Lafta-gareen hal-kiisa sano loo dhaafi doono.