Somaliland: Tirada kiisaska CORONAVIRUS oo korortay

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa shaacisay kiisas cusub oo Covid-19 ah, kuwaas oo laga diiwaan-geliyey maamulkaasi.

Wasiirka caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi (Bade) oo maanta shir jaraa’id kuy qabtay Hargeysa ayaa sheegay in dadka cusub ee laga helay xanuunka ay gaarayaan illaa 19 ruux, kuwaas oo lagu sameeyey baaritaano caafimaad.

Sidoo kale wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dadkaasi 11 ka mid ay rag yihiin rag, halka 8 kalena ay dumar yihiin, wuxuuna tilmaamay in dhamaan go’doon la geliyey.

Wasiir Bade ayaa intaasi ku daraya in 19-ka qof ee cudurka laga helay 13 ka mid ah ay ku nool yihiin gobolka Maroodi-Jeex, halka 6 kalena laga diiwaan-geliyey gobolka Awdal.

Ugu dambeyn wuxuu shaaciyey in 48-kii saac ee la soo dhaafay cudurka safmarka ah ee Coronavirus ay u geeriyoodeen 2 ruux oo uu da’doodu ku kala sheegay (76 sano iyo 52 sano jir), halka 8 qof oo kalena ay ka bogsadeen xanuunka.

Tirada guud kiisaska Covid-19 ee deegaanada Somaliland ayaa haatan mareysa illaa 87 qof, halka dhimashaduna ay sii cagacageyneyso 8 ruux, sida lagu sheegay warbixintii u dambeysay ee maanta ka soo baxday wasaaradda caafimaadka ee maamulkaasi.