Puntland oo qabatay gaari laga soo dhacay Galmudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska ciidamada gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay inay gacanta ku soo dhigeen gaari nooca raaxada ah oo laga soo dhacay dhinaca Galmudug, gaar ahaan koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Qoraal ka soo baxay Booliska Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in la soo qabtay gaariga uu noociisu yahay Probox, taarkadiisuna ay tahay CN 721, balse ma shaacin Booliska in gacanta lagu dhigay raggii ka dambeeyey  falkaasi dhaca ah.

Sidoo kale warkaan ayaa waxaa lagu sheegay in laamaha amniga ee Puntland iyo Galmudug ay xoojin doonaan wada shaqeyntooda, si loo sugo nabad-gelyada.

“Taliska Qeybta Booliska Gobolka Mudug ee Puntland waxey ku guuleysteen in ay soo qabtaan Gaarigii Probox-ka ahaa ee laga soo dhacay Galmudug, Taliska Booliska waxeey xoojin doonaan wada shaqeeynta laamaha amniga ee Galmudug iyo Puntland ee Gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Booliska Puntland.

Ugu dabeyn taliska ayaa uga mahaceliyey shacabka ku dhaqan Gaalkacyo wada shaqeynta buuxda ee ay la leeyihiin ciidamada ammaanka ee magaaladaasi.

Qorshaha ayaa sidoo kale ah in Booliiska Galmudug lagu wareejiyo gaariga, si ay ugu gacangeliyaan milkiilaha laga soo dhacay.

Si kastaba ha’ahaatee falalka dhaca ah oo ay inta badan geystaan maleeshiyaad hubeysan oo ku sugun gobolka Mudug ayaa ka dhaca deegaanada gobolkaasi.