SOMALILAND oo beenisay ‘sheegashadii’ DF Somalia ee diyaaraddii ay u dirtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba beenisay sheegadii dowladda federaalka Soomaaliya ee ay ku sheegtay inay Somaliland u dirtay diyaarad Ayaxa buufinaysa, iyada oo kaashaneysa Hay’adda beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Dowladda federaalka ayaa hore u sheegtay inay FAO ugu deeqday diyaaradahaasi kadib markii ay ka codsadeen, isla markaana ay u kala diri doonaan qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka oo ay qeyb ka tahay Somaliland.

Wasiirka beeraha Somaliland, Axmed Muumin Seed ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay sheegashada dowladda federaalka, isagoona shaaciyay in hay’adda FAO ay hore codsi ugu gudbiyeen ayna dhawaan soo gaari doonaan diyaaradahooda.

Wasiir Axmed ayaa dowladda faderaalka ku eedeyay inaysan laheyn tabar ka badan inay isku sawiraan arrimo aysan war ka heyn bilowgeeda.

Wuxuuna xusay inaysan marnaba jirin diyaarad Ayax lagu buufinayo oo kasoo duuleysa Muqdisho, balse ay diyaaradaha ay ugu talo-galeen la dagaalanka Ayaxu ay kasoo duulayaan caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Maaha markii u horeysay ee la beeniyo sheegasho kasoo yeerta dowladda federaalka Soomaaliya, xili ay dhawaan fadeexad ka dhalatay sheegasho la xiriirtay gargaar ay UNCHR usoo marisay Puntland.