Muddo dheer, Muqdisho waxay ahayd meel argagax leh. Qaraxyo ismiidaamin ah oo isdaba joog ah, dilal qorshaysan, iyo baad—magaaladan wax walba way aragtay. Dadku waxay subaxdii ka baxayeen guryahooda iyaga oo aan hubin inay dib ugu soo laaban doonaan. Ciidamada amniga ee la sheegayay inay jiraan waxay ahaayeen kuwo daciif ah, musuqmaasuq ka dhex socday, laaluush-doon ah. Halkii wax laga qaban lahaa xaaladda murugsan ee amniga, dowladdii hore waxay Muqdisho ka dhigtay xabsi kor ka furan. Waddooyinka waa la xir-xiray, baro kontorool aan dhammaanayn ayaa la dhigay, noloshii maalinlaha ahaydna waa la adkeeyey, halka Al-Shabaab ay si xor ah usoo geli jireen magaalada iyagoo qaraxyo ka fulinaya, dadka cabsi gelinayana.
Xasuusaha xilligaas weli way nool yihiin. Xasuuqii Soobe oo kaliya waxaa hal mar naftooda ku waayay in ka badan 1,000 qof, markii gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay isgoyskaas mashquulka badan, iyadoo isgoyska Soobe isu beddelay xabaal-wadareed. Waalidiin, carruur, ganacsato, iyo dad kale oo aan waxba galabsan ayaa ku baaba’ay ilbiriqsiyo gudahood. Qaraxii Ex-Control Afgooye isna wuxuu galaaftay nolosha in ka badan 150 qof, kuwaas oo badankood ahaa arday. Xeebta Liido waxay ahayd goob xasuuqyo badan ka dhaceen, halkaas oo Al-Shabaab ay laayeen dad aan waxba galabsan oo kaliya doonayay inay ku nastaan xeebta.
Weerarada Al-Shabaab halkaa kuma ekaan. Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, Injineer Yariisow, iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulkiisa waxaa lagu dhex dilay xafiiskiisa, qarax ka dhacay gudaha dhismihii magaalada laga xukumayay oo la rabay inuu noqdo midka ugu amniga sugan magaalada. Waxay ahayd arrin quus ah. Xilligaas, xukuumaddii jirtay xal uma keenin amni xumada Muqdisho. Meesha ay Al-Shabaab la dagaallami lahaayeen, waxay taa beddelkeeda magaalada kusii kordhiyeen xannibaado iyo kontoroollo aan wax macno ah samayn.
Si kastaba ha ahaatee, markii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib loo doortay, wax walba waa is beddeleen. Wuxuu diiday in Muqdisho ay sii ahaato goob difaac. Sida caadada ahayd oo lagu sugi jiray in cadowgu weerar ku soo qaado, xukuumaddiisu waxay dagaal toos ah la gashay Al-Shabaab, iyagoo howlgal ballaaran ka bilaabay labada Shabeelle, Hiiraan, Galgaduud, iyo qayb ka mid ah Mudug. Markii ugu horreysay muddo ku dhow labaatan sano, dowladda ayaa weerar noqotay oo ka baxday is-difaaca. Al-Shabaab waxaa ku qasbanaaday carar iyo difaac. Waxay lumiyeen dhul, dagaalyahanno, iyo tan ugu muhiimsan—xakamayntii iyo cabsigelintii ay dadka ku hayeen.
Dhibaatada dhabta ah ma ahayn oo keliya dagaalka bannaanka, balse waxay ka jirtay gudaha hay’adaha amniga laftooda. Booliiska iyo sirdoonka waxaa ka jiray musuqmaasuq, karti-xumo, iyo wax is-daba-marin baahsan. Waxaa tusaale u ahaa ciyaalkii Bac Kassi—koox ka koobnayd xubno Al-Shabaab kasoo goostay, askar aan tababar lahayn, iyo dad aan xaq u lahayn inay xirtaan darees ciidan, iskaba daa in la dalacsiiyo iyadoon habraacii saxda ahaa la marin. Isla kuwaas ayaa magaalada gacanta u geliyay cadowga Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si degdeg ah u nadiifiyay hay’adaha amniga, isagoo meesha ka saaray kuwii amniga fashilinayay, isla markaana ku beddelay saraakiil aqoon iyo xirfad leh, oo dhab ka ah inay shacabka u adeegaan oo ilaaliyaan badqabkooda.
Madaxweynaha wuxuu la wareegay galka amniga Muqdisho. Wuxuu soo saaray amar madaxweyne oo lagu dhisay guuto gaar ah oo booliis-militari ah, kuwaas oo toos ugu xiran xafiiskiisa, kana hawlgala bannaanka magaalada si ay u xakameeyaan wax kasta oo gudaha magaalada loo soo gelinayo. Xilligii hore, qaraxyada Muqdisho waxaa lagu soo gelin jiray sidii khudaarta oo kale. Laakiin hadda albaabkaas waa la xiray. Gudaha magaalada, ciidamadii lagu hayay baraha kontoroolada waxaa lagu beddelay kuwa si sax ah loo tababaray, waxaana la hubiyay in si joogto ah loo kormeero. Ma jiro qof shacabka dhib u geysan kara isaga oo aan la kulmin ciqaab u dhiganta. Laaluushkii iyo tacaddigii joogtada ahaa waa la dabar gooyay.
Mid ka mid ah guulaha ugu waaweyn ee wax badan ka beddelay muuqaalka amni ee caasimadda wuxuu ahaa go’aanka hub ka dhigista dadka ku nool magaalada. Muddo dheer, magaalada waxay u ekaan jirtay xero dagaal, halkaas oo qof kasta oo isku sheegaya siyaasi ama madax uu haystay hub culus. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu si cad u mamnuucay in magaalada lagu dhex haysto hub culus, isagoo xaqiijiyay in kaliya ciidamada amniga ee dowladda ay haystaan hubkaas. Natiijadu waxay noqotay hoos u dhac weyn oo ku yimid rabshadaha iyo dilalka. Dadka ayaa markii ugu horreysay muddo dheer kadib waddooyinka maraya iyagoo aan dareemayn wax qalqal gelin.
Sidoo kale, dowladda kama aysan aamusan marka Al-Shabaab ay weerarro geystaan. Halkii markii hore laga bixin jiray hadallo faaruq ah iyo goodino been ah, Madaxweynaha wuxuu xaqiijiyay in cidii shaqadooda ku fashilanta la eryo. Xitaa qaar ka mid ah saraakiisha sare ayaa maxkamad lasoo taagay. Musuqii iyo isku milankii saraakiisha amniga iyo Al-Shabaab waa la jaray. Ma jiro cid si qarsoodi ah uga macaashi karta amniga magaalada. Qofkii shacabka khiyaama, waa la soo bandhigayaa, la fadeexeynayaa, oo waa lala xisaabtamayaa.
Muqdisho hadda ma ahan meel cabsi lagu nool yahay. Ganacsiyadii habeenkii xirmi jiray hadda afar iyo labaatan saac ayay shaqeynayaan. Waddooyinku waa dhismayaan. Nalalka magaalada waa ifayaan. Nolasha iyo damaashaadka waa muuqdaa. Dadku markii ugu horreysay waxay dareemayaan amni. Taasi micnaheedu ma aha in Muqdisho ay Oslo la mid noqotay. Weli waa magaalo soo kabaneysa, soo martay wax kasta oo laga naxo. Al-Shabaab wali si buuxda loogama takhalusin, laakiin jabka ku dhacay wuu muuqdaa. Markii ugu horreysay muddo dheer, amniga waxaa gacanta ku haya dowladda, waxaa meesha laga saaray baadkii iyo cabsi gelintii argagixisada.
Hadda Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa u haray hal guul oo laga sugayo, waana xaqiijinta maqaamka siyaasadeed ee Muqdisho. Waa in caasimaddu hesho xuquuqdeeda dastuuriga ah. Waa in shacabka caasimadda ay si toos ah u doortaan hoggaankooda halkii loo soo magacaabi lahaa. Haddii Madaxweyne Xasan Sheekh taas hirgeliyo, ma ahan oo keliya inuu mustaqbalka Muqdisho xaqiijiyay iyo in fursadiisa dib u doorasho kor u kacdo, balse wuxuu noqon doonaa hoggaamiye taariikhda lagu xuso, magaciisana lagu qoro qalin dahab ah.
W/Q: Cabdullaahi X. Samoow
E-mail: Abdullahisamoow@gmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid.