Soomaali badan oo la la’ yahay kadib…

Yemen (Caasimada Online) – Tahriibayaal African ah oo ka kooban Soomaali iyo Ethiopian ayaa lagu la’yahay xeebaha dalkaasi Yemen, kadib markii ay la degtay dooni ay saarnaayeen dadkaasi xili ay doonayeen inay gaaraan dalka Yemen.

Doonida oo ay saarnaayeen tahriibayaal badan ayaa la sheegayaa in la waayay 35 kamid ah dadkaasi kadib markii doontiii ay la socdeen quustay, waxaana laga baqayaa inay dhinteen dadkaasi.

Tahriibayaasha ayaa la sheegay inay doonayeen inay gaaraan koofurta dalka Yemen ka hor inta aysan usii gudbin waqooyiga dalkaasi, si ay kaga sii gudbaan dhanka dalka Sacuudiga.

Waxaa socda baadi goobka ay sameynayaan ciidamada ilaalada xeebaha dalka Yemen si loo badbaadiyo dadkaasi, maadaama tahriibayaasha ay doonida la quustay.

Saraakiisha amaanka ee xeebaha Yemen ayaa sheegaya inay socoto baadi goobka dadkaasi ayna ku dadaalayaan sidii dadkaasi loo badbaadin lahaa.

Bishii May sanadkii lasoo dhaafay 60 ruux oo tahriibayaal ah oo ay ku jiraan labo badmaaxiin Yemeni ah ayaa dooni ay la socdeen kula quustay xeebaha dalkaasi Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Yemen
Caasimada@live.com