Muqdisho (Caasimada Online) – Hayadaha amaanka ee dowlada Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan dad doonaya inay carqaladeeyaan amaanka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Afhayeenka hayadaha amaanka Maxamed Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay inay ka warhayaan dadka doonaya inay amniga dhibaateeyaan laakiin ay ka hortagi doonaan ciidamada amaanka ee dalka.
Wuxuu sheegay in baaritaano laga sameyn doono dhamaan isgoysyada laga soo galo lagana baxo ee magaalada Muqdisho si loo ogaado dadka soo galaya magaalada Muqdisho iyo dadka ka baxaya waxay yihiin.
Sidoo kale afhayeenka wasaarada amniga ayaa sheegay inay baarayaan gaadiidka dadweynaha ay leeyihiin kuwa sida gaarka loo leeyahay ee ka baxa soona gala magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.
“Waxaan heynaa xogo ku saabsan dhibaatooyin lala damacsan yahay dadka rayidka ah, waxaan sameynaynaa baaritaano waxaa la baarayaa gaadiidka soo galaya kana soo baxaya Muqdisho”sidaasi ayuu yiri afhayeenka wasaarada amniga.
Dadweynaha Soomaaliyeed ayuu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sugida amaanka magaalada Muqdisho, isagoo sheegay iney la dagaalamayaan dadka dhibaateynaya shacabka Soomaaliyeed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

