SOOMAALI lagu xiray Jomo Kenyatta

Nairobi (Caasimada Online) Ciidamada ammaanka Kenya ayaa xiray ku dhawaad 20-qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku sii jeeda dalka Saudi Arabia si ay u soo gutaan Xajka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali Nuur Americo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadkan ay kujiraan da’d ah iyo dumar kuwaasoo la rabay in qaab been abuur ah looga dhoofiyo garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport.

Wuxuu sheegay markii ay maqleen warkaas in ay la xiriireen hey’addaha ammaanka kaddibna ay ogaadeen dadkan in ay wateen baasabooro Soomaali ah balse warqado aqoonsi ah oo Kenya laakin been abuur ah la rabaay in looga dhoofiyo dalka Kenya si Xajka u soo gutaan.

“Dadkan muddo seddax cisho ayaa lagu qabtay garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta Airport, waxa ay wateen warqado been abuur ah, hadda damiin ayaa lagu sii daayay mardhowna maxkamad ayaa la soo taagayaa “ ayuu yiri danjire Americo.

Si kastaba, wixii ka dambeeyay weerarkii Westgate ee Nairobi, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka dalka Kenya, waxaana aad loo baaraa dadka Soomaalida ee ku sugan dalka iyo kuwa yimaada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com