SOOMAALI ku go’doonsanaa xeebaha Libya & Italy oo la soo bad baadiyey

Roma (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in maraakiibta ilaaliya xeebaha Talyaaniga iyo kuwa ganacsiga ay soo badbaadiyay doomo ay la socdaan dad u badan Soomaali kuwaasoo in ka badan 24-saac ku go’doonsanaa xeebaha Talyaaniga.

Wariyaha BBC-da ee Roma Aadan Sabriye ayaa soo sheegay in dhammaan dadkii la socday doomaha ku go’doonsanaa xeebaha u dhexeeya Talyaaniga iyo Libya in la soo badbaadiyay loona wado dalka Talyaaniga.

Wariyaha ayaa sheegay in doomaha ay gaarayaan ilaa seddax kuwaas oo ay la socdaan ku dhawaad 500 oo qof.

“Waa ay soo socdaan dadka ka imaanaya Libya, waa tii aan sheegnay shaley dad la soo xiriiray BBC-da kuwaasoo ku go’doonsanaa xeebaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga, dadkaas waxa ay gaarayeen 110-qof laakin doon kale oo ay la socdaan 109 ayaa la soo badbaadiyay oo ay ku jiraan Eritrean” ayuu yiri wariyaha.

Si kastaba, labo toddobaad ka hor ayey ahayd markii doon ay la socdeen in ka badan 500 oo qof ay ku degtay xeebaha Talyaaniga, waxaana doontaas ku dhintay dad kor u dhaafaya ilaa 300.

Ma ahan markii ugu horeysay oo la soo wariyo dhibaato intaas la eg oo  ka dhacday xeebaha Talyaaniga.

Dadkan ayaa jooga xaallad quus ah, kaddib markii ay ka soo carareen waddankooda oo in k Abadan 22-sano dagaallo ay ka socdeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Yurub.

Caasimada@live.com