Erdogan oo dhowaan tagaya Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa sheegay in dhawaan magaalada Hargeysa uu tagi doono wafdi uu hoggaaminaayo ra’iisal wasaaraha Turkiga Recep Tayib Erdogan .

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa hadalkan u sheegay warbaahinta,kaddib markii uu ka soo laabtay dalka Turkiga oo muddo toddobaad uu ku maqnaa.

Siinlaayo ayaa sheegay in mowqifka Somaliland ee ku aadan gooni’ isku taagooda uu yahay mid muqadas haddana lama taabtaan ah.

Wuxuu kaloo sheegay in Turkiga ay kala soo haleen siddii loo xoojin lahaa calaaqaadka ka dhexeeya maamulka Somalialnd iyo Turkiga.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in Turkiga uu xafiis ka furan doono magaalada Hargeysa kaasoo ka shaqeen doono danaha labada dhinac sida uu yiri.

Ugu dambeen wuxuu sheegay in wahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulkiisa uu sii socon doono dhawaan shirkii seddaxaad uu ka dhici doono dalka Turkiga.

Waa markii ugu horeysay oo hoggaamiye sare uu booqdo Hargeysa haddii ay hubaal noqoto booqashada ra’iisal wasaaraha Turkiga.

Ra’iisal wasaaraha Turkiga ayaa sannadkii 2011-ka isaga iyo xaaskiisa waxa ay booqdeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, wuxuuna dunidda tusay in Soomaaliya ay tahay meel ammaan ah oo la tagi karo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com