DHAGEYSO: Malaaq Cali Shiino: Axmed Diiriye Cadaado iyo Shabeelaha Hoose ayaa isaga qaldamay waase la barayaa

Baydhaba (Caasimada Online) – Ayada oo uu Axmed Diiriye Cali oo ah afhayeenka golaha odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye uu ka hadlay shirka Baydhabo islamarkaasna uu sheegay in gobolka Shabeelada hoose ay degaan Digil iyo Daame oo uu ku micneeyay Digil iyo Hawiye, ayaa waxaa u jawaabay Malaaq Cali Shiino, oo ah afhayeenka golaha odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle.

” Anigu horta ninkaas isaga ah in loo jawaabo maba qabo, waayo ilamaba ahan nin caqligiisu dhan yahay, Axmed Diiriye anigu waan aqaanaa, si fiican ayaan isku naqaanaa, Axmed Diiriye waxana u sheegayaa meesha uu ka yimid waa Cadaado ee Shabeelada hoose ma ahan hadaad aqoon weysidna waa lagu fahansiinaa” Ayuu yiri malaaq Cali Shiino.

Waxa uu sheegay in Axmed Diiriye aan Axmed Diiriye aan waxba laga weydiinayn arrinta Baydhabo iyo gobolka Shabeelada hoose.

Mar aan wax ka weydiinay hadal ku aadanaa inuu dagaal dhici karo oo uu Axmed Diiriye sheegay ayaa uu malaaq Cali SHiine ku jawaabay,
” Axmed Diiriye waxaad haysid cidna ha ugu turin, hadaad leedahay dagaal baan ku qaadayaa goboladaas saacadaan soo dhaqaaq waa lagu sugayaa Axmed Diiriyow”

Halkan ka dhageyso Malaaq Cali Shiino

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com