Soomaali loogu xiray Zimbabwe arrin la xiriirta…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Degmadda Bulawayo ee dalka Zimbabwe ayaa xukun 3 bilood ku riday Muwaadin Somali ah oo lagu magacaabo Abdi Abikadir oo 23-jir ah, kaasi oo lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah ku joogay dalkaasi.

Garsoorada Maxkamadaasi oo lagu magacaabo Tinashe Tashaye ayaa sheegtay in Eedeysanahaasi oo 23-jir ah uu qirtay inuusi sharci-darro ku joogay dalkaasi.

Waxay amartay in Xabsiga lagu hayo muddo 3 bilood, ka hor inta aan loo masaafurinin dalkiisa hooyo ee Somalia.

Eedeysanaha iyo Walaalkiisa oo lagu magacaabo Abshir Abdikarim ayaa waxaa la xiray bishan September 2-dii, xilli ay ku sii jeedeen dalka Koonfurta Afrika.

Ciiddanka Dembi-baarista Boliska Zimbabwe ayaa la sheegay inay labadaasi Somali ku qabteen Rugta Ganacsiga ee Bellevue Shopping Center oo ku yaalla DegmaddaBulawayo,kadib, markii ay dadka Deegaanka soo far-muuqeen raggaasi.

Xigasho: newsdzezimbabwe.co.uk

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com