Soomaali tarxiil sugayaal ah oo lagu dhibaateynayo dalka Sacuudi Carabiya

Jeddah (Caasimada Online) – Soomaali iyo dad u dhashay dalal kale oo Afrika ah ayaa ku dhibtoonaya xabsiyada ku yalla wadanka Sacuudiga, waxaana kala joogsi laheyn baacsiga ay ciidamada ammaanka dalkaas diirada ku saaraan dadka sharci darrada ku jooga wadankooda.

Sacuudiga waxey juhdi badan galiyaan iney soo qabtaan dadka sida sharci darrada ah kusoo galay dalkooda, muddo uu xabsi ku xirnaanayo kadib waxaa loo musaafuriyaa dalka uu kasoo jeedo, balse waxaa jira dhibaatooyin kusoo wajaho xabsiyada iyo iyadoo laga yaabo in muddo heyntooda ay dheeraato.

Wakaaladda wararka Mareykanka AP ayaa wareysi ka qaaday qof aan u dhalan Soomaali oo ka warbixiyay xaaladda ku heysata xabsiyada, halista caafimaad ee ku wajahan iyo sidoo kale waxyaabaha ku hareereysan nolol ahaan.

Qofkaas magaciisa la qariyay wuxuu sheegay iney la kulmaan ciqaab daran, sidoo kalana qof walba ay ciqaabtaas u siman tahay.

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxey fahamsan tahay in dadka ku xiran Sacuudiga ay wajahayaan xaalad caafimaad darro aan marnaba la hubin, xanuunka ay la kulmaan haweenka uurka leh iyo dadka waaweyn ee da’da ah.

Dhawaan ayey dowladda Soomaaliya halkaas kasoo qaaday dad badan oo xabsiyada ku xirnaa, walina dad kale ayaa ku jira, waxeyna dadka tahriibayaasha ah ee lasoo qabtay la qabaan dhibaato walba.