Somali xagjira oo lagu xiray Germany

Bonn (Caasimada Online) Sida uu qoray wargeyska Der Spiegel ee ka soo baxa dalka Germalka, waxa magaalada Bonn ee dalkaas lagu xiray labo qof oo Soomaali ah, kuwaasoo la sheegay in doonayeen in ay qarxiyaan saldhigyo ciidan.

Labadan qof ayaa la soo qabtay markii laga helay boorsooyinkooda walxa qaraxa sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka Germalka.

Der Spiegel ayaa waxa uu lee yahay qofka koowaad ee laga shakiyay ayaa magaciisa lagu sheegay Cumar Daahir, waxana laga soo xiray goob Internet Café ah, sidoo kale ninka kale ayaa lagu magacaabaa Cabdirisaaq Bashiir, kaasoo laga soo qabtay buundo ku taalla deegganka Rhine.

Raggan ayaa mid ka mid ah lagu helay Vidio muujinaya in uu qarxin rabay saldhig ciidan oo ku yaalla magaalada Bonn.

Warkan markii uu soo baxay ayaa la sheegay in la xiray goobo badan oo ku yaalla magaalada Bonn.

Labadan nin ayaa la sheegay in si wayn loogu yaqaano waxa loogu yeero argagixisada, isla markaana waxa la xiray sannadkii 2008-dii, kaddib markii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Cologne/Bonn airport, waxa ay rabeen markaas in ay u duulaan Amsterdam.

Saraakiisha ammaanka Germalka waxaba ay lee yihiin labadan qof ayaa doonayay in ay soo aadan dalka Uganda, si ay Soomaaliya ama Pakistan u soo aadaan isla markaana ay ku biiraan kooxaha xiriirka la leh ee Al Qaed.

Sannadkii 2003-dii ayaa magaalada Bonn , waxa laga dhisay Masjid iyo Iskuul ay maalgalinayaan kooxo Wahaabiyiin ah oo ka soo jeeda waddanka  Saudi Arabia, laakin dowladda ayaa xirtay markii ay walidiin badan ay ka soo caroodeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Galbeedka Yurub