Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhin doona dalka Australia, Danjire Dr Faysal Axmed Salaad ayaa si rasmi ah warqadihiisa aqoonsiga danjirannimo u gudbiyay Sam Mostyn, oo ah Governor-General-ka dalka Australia.
Tani waa dhacdo taariikhi ah, taas oo lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Australia.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, safiirku waxa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Safiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee iskaashiga diblomaasiyadeed, ganacsi, iyo horumarinta adeegyada bulshada ee labada dhinac.
Qodobada muhiimka ah ee la isla soo qaaday waxaa ka mid ahaa muhiimadda ay xawaaladaha u leeyihiin dhaqaalaha Soomaaliya iyo baahida loo qabo fududeynta rukhsadaha iyo helitaanka akoonnada bangiyada ee shirkadaha xawaaladaha (MSBs) ee ka shaqeeya Australia.
Sidoo kale, horumarinta iskaashiga waxbarashada iyo ganacsiga ayaa la isla soo qaaday si loo gaaro koboc iyo horumar waara oo labada dalba faa’iido u leh.
Safiirku wuxuu carabka ku adkeeyay fududeynta socdaalka, gaar ahaan tixgelinta “Visa on Arrival” ee baasaboorrada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa diblomaasiga iyo adeegga.
Doorka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Australia ayaa sidoo kale la xusay, iyadoo la tilmaamay inay noqon karto buundo muhiim ah oo isku xirta labada dal.
Safiirku wuxuu muujiyay sida uu diyaar ugu yahay inuu si dhow ula shaqeeyo Dowladda Australia, isagoo diiradda saaraya dhisidda iskaashi waara oo dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo bulshada.
Waxaa la isla gartay in wada shaqeynta labada dhinac ay fursad u tahay horumarinta mashaariic wax ku ool ah oo taageera ganacsiga, waxbarashada, iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Ugu dambeyntiina, safiirka wuxuu muujiyay rajadiisa ku aaddan inuu si dhow ula shaqeeyo dowladda Australia iyo dhammaan bah-wadaagta, si loo xoojiyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.









