Waxaa dad badan oo Soomaaliyeed ay aaminsan yihiin in mushkiladda iyo musiibada ku habsatay Soomaaliya ay ugu wacan tahay faragelinta joogtada ah ee ajnabigu uu ku hayo Soomaaliya. Waxay farta ku fiiqaan saddex dowladood: laba gobolka ku yaalla (oo ah Itoobiya iyo Kenya) iyo dowladda Mareykanka oo maalgelisa mashruuca dhaqaale ahaan laga macaashay ee la magac-baxay la-dagaallanka argagixisada (war on terror). Soomaalidu waxay, qaasatan, farta ku sii godaan Itoobiya. Waxay yiraahdaan ‘in Soomaaliya xal loo helo waxaa hortaagan Xabashida’. Inta sidaas loo wada fekerayo lama xallin doono mushkiladda taagan, waayo musiibo aad adigu gacmahaaga kula timid marka aad mas’uuliyaddeeda meel kale u jeediso, ma jirto cid kuu fekeraysa oo awoodi karta inay dibadda kaaga keento xal siyaasadeed oo raalli lagu wada yahay. Runtu, waxay tahay dhibaatada ay Soomaalidu dhexdeeda isku hayso iyo mushkiladda siyaasadeed ee ka dhex taagan ayaa ka xoog badan faragelinta ka imaanaysa ajnabiga.
Warkii oo kooban, herdanka siyaasadeed ee Soomaalida dhexdeeda ee aan dhammaadka lahayn ayaa wuxuu soo casuumay faragelinta ajnabiga. Marka waddan la faragelinayo waa inay jirtaa laba waxyaabood oo fududeeya faragelinta ajnabiga inay u dhacdo sidii loogu talagalay: (1) is-qabqabsi iyo loolan dhanka awoodda xukunka oo ka billowda xukun jecleysi oo horseeda qas iyo qalalaase waddankaas dhaxalsiiya kala carar iyo kala haad, iyo (2) kooxo ka dhasha cawaaqib-xumada uu keeno xukun keli-talis ah oo dadkiisa cabburiya, kooxahaas oo garab ka dhigta ajnabiga doonaya in dalkaas uu burburo oo uusan danahooda dib dambe ugu noqon halis. Su’aashu waxay tahay: Maxay reer galbeedku ugu guuleysteen inay si sahlan u burburiyaan Liibiya, Suuriya, Yemen iyo wadammo kale oo Islaam ah, balse ay ugu suura-geli weyday inay burburiyaan waddanka ay ugu wada neceb yihiin caalamka Islaamka oo ay colaadda ugu adag iyo cunaqabateynta ku hayaan oo ah Iiraan?
Haddii aan ku noqonno taariikhda Islaamka, illaa iyo maalintii uu dhintay Nebi Muxammad (CSW) waxay dadka Muslimiinta ah, meel kasta oo ay ku nool yihiin, xal u heli la’ yihiin sida loo maareynayo awood-qeybsiga xukunka, sida loo dooranayo hoggaamiyeyaasha, sida loo kala xulayo kuwa xildoonka ah iyo arrimo badan oo la xiriira jaranjarada loo marayo awoodaha xukunka. Awood la kala ridanayo waxaa ku dhintay saddex ka mid ah qulufaa’uraashidiintii (Cumar, Cusmaan iyo Cali). Taariikhda Cali iyo Mucaawiye, dhammaantood Allaha ha ka raalli noqdee, waa mid uu dhiig badan ka tifqayo. Illaa Mucaawiye bin Abii Sufyaan, illaa iyo maalinta maanta ah, wadammada Muslimka waxaa xukunka lagu gaaraa saddex siyaabood: (1) boqortooyo iyo xukun la kala dhaxlo (waddan qoys uu yeeshay), (2) xoog iyo afgambi (waddan uu nin dagaalyahan ah keligiis yeeshay), iyo (3) maafiyo is-baheysatay oo kursiga lacag ku iibsata, kaddibna xukunkii laga wareejin waayo.
Cidna ma mooga – saqiir iyo kabiir – in hoggaamiyaha fiican uu leeyahay calaamado qaas ah oo lagaga sooco kuwa kale, midka xunna uu leeyahay sifooyin lagu garto. Haddii aad eegto wadammada Muslimka, waxay ku jiraan laba marxaladood: (1) qaran fashilmay (failed state) ama (2) waddan liqliqanaya (fragile state). Waxa sidaas ka dhigay waa xukun-jaceylka hoggaamiyeyaashii lagu aaminay ee loo igmaday inay sharciga dhowraan oo ummadahooda gaarsiiyaan xukun ku dhisan sharci sugan oo lagu kala dambeeyo. Bilcaksi, kuwii la aaminay ama loo igmaday howsha waxay ceyrsadeen danahoodii gaarka ahaa, waxaana meesha ka baxay masiirkii iyo mustaqbalkii ummadaha Muslimiinta ah.
Waddanka keliya ee Islaam ah ee arrimahaas ka fakaday waa Iiraan, weliba uga leexday hab feker cajiib ah oo ay iyagu iska leeyihiin oo aan waafaqsanayn qaab-dhismeedka dowladeed ee wadammada reer galbeedka. Iiraan waxaa ka jira gole marjac oo ka kooban culumaa’uddiinka waaweyn ee waddanka oo ay kuwa doonaya inay madaxweyne ka noqdaan u geystaan CV-yadooda. Waxa ay mid walba ku qiimeeyaan aqoontiisa, ikhlaaskiisa, iimaankiisa, hal-adaygiisa iyo waddan-jaceylkiisa. Kaddib waxay soo saaraan laba iyo saddex, si ay ugu tartamaan jagada u sarreysa. Madaxweynaha sidaas lagu doorto wuxuu u qoolan yahay Golaha Marjaca Culumada iyo Golaha Baarlamaanka oo si wadajir ah u dabaqaya distoorka iyo shuruucda ka taalla inaan awoodda loo isticmaalin daneysi, kooxeysi iyo qaraabeysi. Madaxweynuhu wuxuu ku qasban yahay inuusan wax kale qaban oo aan ahayn u adeegga ummaddiisa. Haddii dariiqa uu ka leexdo wuxuu ku weynayaa xilkiisa. Awoodda xukunka oo meel la saaray loona sameeyey shuruuc la isla oggol yahay waxay keeneen inuusan dalku lahayn awood dagaal loogu loolamo xukunka iyo dariiqashad ay faragelin ajnabi ah ka soo gasho.
Haddaba, sheekada oranaysa Itoobiya ayaa hebel wadata, Imaaraadkuna hebel kale, Kenyana hebel hebel, waxaa mas’uuliyaddeeda iska leh sharci-dejiyeyaasha Soomaalida. Waxaa jira kuwo Soomaali ah ee mar walba Soomaaliya u sameeya distoor ay raalli ku yihiin ajnabiga dantoodu tahay inuusan dalku ka bixin qalalaase siyaasadeed (political conflict) oo nin walba uu damaaciyo inuu madaxweyne noqdo, iyadoo aysan jirin wax ka maanacaya arrintaas ama sharci la fulinayo oo qabanaya iyo wax diyaar ah inay sharci fuliyaan. Sidaas awgeed, la yaab ma ahan in beesha caalamku ay siyaasadda Soomaaliya ka noqdeen Golihii Marjaca ee Iiraan. Magaca beesha caalamka laftiisa ayaa wuxuu u taagan yahay ‘globan clan’ oo macnaheedu yahay inay yihiin qabiilkii caalamiga ahaa ee u dhexeeyey qabaa’ilka Soomaaliyeed. Waxay, sidaas awgeed, noqdeen awood lagu xisaabtamo iyo saldhig siyaasadeed (power base). Waa sababtaas sababta beesha caalamku ay ku tahay garsooraha u weyn eek u kala dhex jira kuwa ku loolamaya awooddii siyaasadeed ee Soomaaliya.
Tusaale ahaan, Mr Hebel Hebel Hebel, ma haysto wax kale, waayo CV-giisa iyo waxqabadkiisa ugu weyn waa inuu ku soo guuleystay inuu maalgelin ka helo dowlad ajnabi ah oo uu u saxiixay inuu fulinayo danahooda qaaska ah. Tusaale, Soomaalidu waxay ka wada dheregsan tahay in dowlad ajnabi ah ay sannadkii 2012-kii maalgeliyeen ololihii madaxweynaha ku fashilay hoggaanka ee haddeer doonaya inuu kursiga ku sii fadhiyo, Xasan Sheekh Maxamuud. Waxay kaloo wada ogyihiin inay maanta maalgelinayaan ololihiisa dhowr dowladood oo soo farageliyey siyaasaddii dalka burburay sida Itoobiya. Haddaba, nin madaxweyne doonaya, isla markaana og in waxa la isku dooranayo ay tahay laaluush (the highest bidder), isla markaana aan lacag haysan ama lacagta uu haysto aysan ku filneyn, laguna yiri ‘intaan qaado ee noo saxiix qeyb ka mid ah badda ama berriga’, ma idinla tahay inuu maya oranayo?’.
W/Q: Mohamed Haji Ingiriis: Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.
Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]