Qoraalkan waxaan uga hadli doonaa si kooban; habka bacriminta ubadka iyo sida uu horumarka u sameeyay, una soo gaaray Afrika illaa Soomaaliya oo maanta xarumaha qaar ay sameeyaan. Waxaan dul istaagi doonnaa;
A- Muxuu yahay IVF, goorma ayuuse aduunka kusoo kordhay?
B- Afrika iyo goorta uu soo gaaray?
C-Soomaaliya ma laga sameeyaa IVF?
Waxaan xigan doonnaa xarun caafimaad oo lugu magacaabo Marwa Fertility.
Soomaaliya, bahda caafimaadku waayadii danbe waxay isku dayaysay inay horumar samayso, dhanka caafimaadka ayadoon teknaloojiyadda laga faaiidaysanayo, waxyaabaha ay Soomaaliya isku dayayso inay ku talaabsato waxaa kamid ah, nidaamka iyo adeegga bacriminta ee loo yaqaanno (IVF)-oo ay Soomaaliya dhexdeeda xarumo caafimaad shaaciyeen inay fulin karaan.
Bacriminta shaybaarka ee dhasha (IVF) waxay bilaabatay 1950 meeyadii, waxaana lugu tijaabiyay ama lugu bilaabay xayawaanka Bakaylaha, isku daygaas tijaabada ha wuxuu horseeday in la helo xogo caafimaad-oo saldhig u noqda horumarinta IVF-ka maanta dunidaan casriga ah la adeegsanayo.
1950-yadii dhaqtar lugu magacaabo Dr. Min Chuech Chang oo ka tirsanaa Worcester Foundation ayaa si guul ah ugu tijaabiyay xayawaanka Bakaylaha loo yaqaanno nidaamka bacriminta ee IVF-ka loo yaqaanno. Hawlgalka Dr. Min wuxuu ahaa mid muhim ah waayo markii ugu horaysay ayaa IVF gaaray embryo (ugxaan heerka bacrinka gaartay) taasoo lugu sameeyay shaybaar, loona gudbiyay ilma-galeenka illaa uu si caadiya u horumaro; illaa uu ka dhasho. Xogtaan waxaa qoray Machadka Pacific Fertility Center Los-Angeles.
Habka bacriminta dhalmada (IVF) waa qaab la isticmaalo qalab iyo teknaloojiyad, ayadoo la caawinayo dhalmada qof si caadiya u dhaliwaayay, shahwada iyo ugxaanta ayaa laysu gaynayaa ayadoon la isticmaalayo qalab, meel ka baxsan jirka aadanaha isla markaasna lugu haynayo. IVF waa farsamo adag oo si taxadar leh loo sameeyo, isla markaasna marta habab iyo marxalado kala duwan;

Qalabka loo isticmaalo in shahwada iyo ugxaanta lays kula daro oo lugu kaydiyo waxaa la yiraahdaa Incubator, wuxuu leeyahay heer kulka minka hooyada oo kale, dhawr maalmood ayay halkaas ku jiraan shahwada iyo ugxaanta hooyadu, ka bacdii ayay u gudbaan xaalad loo yaqaanno embrayo.
Muddo maalmo ku qiyaasan ka dib, marka bacrimintu dhacdo, ugxaanta ayaa la falgalaysa shahwada, waxay gaaraysaa xaalad loo yaqaanno Embryo.
Inta lagu jiro bacriminta shaybaarka (IVF), waxaa la ururiyaa ugxamo bisil oo laga soo saaro ugxanta hooyada, kadibna waxaa lagu bacrimiyo shahwo gudaha shaybaarka (lab). Hal wareeg oo dhameystiran oo IVF ah wuxuu qaataa qiyaastii 2 ilaa 3 toddobaad, laakiin mararka qaar tallaabooyinkaas ayaa loo kala qaybiyaa waqtiyo kala duwan, taasoo keeni karta in geeddi-socodku uu qaato waqti dheer. Majaladda caafimaadka ee Mayo Clinic ayaa sidaas qortay.
Ilma la’aantu waa culays caafimaad, sida ay qoreen 2004-tii laba aqoonyahan ee Shea Oscar Rutstein and Iqbal H. Shah 8% illaa 12% lamaanaha aduunka ayaa ah kuwo aan dhallin, xogtaan waxaa laga soo aruuriyay wadamo horumaray iyo kuwo aan horumarin, sabaha keena dhalmo la’aantu way kala duwanyeen.
Markii ugu horaysay ee qof ku dhasho habka IVF
1978 ilmihii ugu horreeyay oo aadane ah ayaa ku dhashay habka bacriminta ayadoo si wayn loogu guulaystay. Waxaa fuliyay isku daygaan guulaystay Dr. Patrick Steptoe iyo Dr. Robert Edwards, waxaa ku dhashay isku daygaas fulinta bacriminta Louise Brown, dhalashada taariikhdeedu waxay ku beegantay 25 Luulyo 1978-dii, sidaas waxaa qoray majaladda Pacific Fertility Center Los Angeles. Louise Brown muddo dheeray nooleed, waxayna soo gaartay 2022 oo ah marka Majaladaan ay qoraalka ka qortay. Arrintaani waxay noqotay miday khubarada caafimaadku si wayn ugu faanaan.
Warbaahinta ayaa si aada u danaysay arrinta Brown, waxaa si wayn loo faaqiday, muhiimadda ay leedahay IVF (hanaanka bacriminta taranka), waqtigaas waxaa bilaabatay in dadka aan si dabiici ah uur u qaadi karin ay raadsadaan, nidaamkaan bacriminta. Daabacaaddii ugu horreysay ee sannadlaha ahayd ee warbixinnada IVF waxaa la sameeyay sanadkii 1988, waxaana si isisoo taraysa loogu adeegsadaa hagaajinta joogtada ah iyo qiimeynta barnaamijyada ART (Assisted Reproductive Technology)
1980-kii dhaqaatiirtu waxay ansixiyeen, ama aqbaleen in IVF lugu dhali karo isla markaasna uu yahay mid ammaan ah, lix sano ka dib, 1,000 qof ayaa ku dhalatay sida ay sheegtay majaladdii aan kor kusoo xiganay. Kooxda isku tagga ee loosoo gaabiyo RMA (Reproductive Medicine Assocates) waxay ku faaneen horumarinta iyo guusha laga gaaray nidaamka IVF, runtii way aheed wax lugu faano, waayo dad fara badan ayay ka faydeen culays haystay.
Afrika iyo IVF-ka
Dhalmo la’aantu waa imtixaan guud oo dunida dhan ka jira, waxa la sheegaa inay ku badantahay wadamada dhaqaalaheedo hooseeyo, sababtoo ah waxaa jira cuduro dhalmada raajiya, taas ayaa keenaysa in wadanba wadanka uu ka dhaqaalo yaryahay-uu ka cuduro badanyahay, isla markaasna dhalmo la’aantii ku badnaankarto.
Sida ay daabacday Majaladda caafimaadka ka faaloota oo lugu magacaabo PubMed Central, qoysas tiradooda lugu qiyaaso 180 milyan, isla markaasna ku nool dalalka soo koraya ayaa la ildaran ilmo la’aan. Arrintaasi waxay muujinaysaa sida ay wadamada Afrika baahida wayn ugu qabaan hanaanka bacriminta ubadka (IVF).
Ilma la’aantu waxay leedahay dhibaatooyin fara badan, marka laga reebo culayska nafsiga ah, sidoo kale qofka ilma la’aantu ku dhacdo wuxuu wajahaa culaysyo fara badan, dumarku ayaku marmarka qaar waxay kuwaayaan xuquuqo ay ka mid yihiin dhaxalka hantida ninkoodu ka tago. 1982-dii ayaa South Afrika lugu guulaystay ubad ku dhashay bacrimin markii ugu horraysay Afrika sida ay qortay 2025 dhaqtarad lugu magacaabo Toyin Ajayi, waxaa muuqata in uu mar hore qaaradda soo garaay cilmiga IVF-ku. Wadamada sida Masar oo kale ayakana waqtiyo xilligasa ka agdhaw ayaa laga sameeyay.
Soomaaliya iyo habka bacriminta ubadka
Soomaalidu waxay ka mid tahay umadaha wajaha ilmo la’aanta, wadamada ay Soomaalidu arrimaha caafimaadka u aaddo waxaa ka mid ah Hindiya iyo wadamo kale, ayadoon dhanka kale ay jirto in caafimaadka Soomaaliyo soo kabanayo.
Soomaalidu waa dad aad u taran jecel, qofku markii reer yeesho, waxa ugu horreeyo ee la waydiiyo waa dhasha, sidaas daraadeed waxaan oran karnaa Soomaalidu waa dadka ugu baahida badan adeegga caafimadaka IVF-ka loo yaqaanno. Soomaalidu waa dad aad u taran badan.
Soomaaliya waayadii danbe waxay horumar ka samaynaysay adeegyada caafimadaka ee la tacaalista taranka, waxaaba laysku dayay in dalka gudihiisa lugu sameeyo IVF-ka, dad badan oo dhalmo la’aan la daalaadhacayay ayaa helay isbitaallo baahiyahooda daboola. Sida aan ogaanay xarumaha bixiya adeegaan waxaa kamid ah xarun magaalada Muqdisho ka hawlgasha oo lugu magacaabo Marwa Fertility, sida uu sheegay agaasimaha xaruntaas; isku dayadii ay bukaanada soo booqday ugu samaynayeen adeegga bariminta ubadka, badi way ku guulaysteen, asagoo sheegay inay 50% ku guulaysteen. Waa tallaabo wanaagsan haddii laysku dayayo in dalka gudihiisa lugu sameeyo IVF.
Soomaaliya xilliga saxda ah ee laga bilaabay IVF-ka lama yaqaanno, sidoo kale ma jirin dawlad arrimahaas la socotay oo diiwaan galinaysay, xogta kaliya ee la heli karo waa xogaha ay bixiyaan xarumaha caafimaadka ee taranka ka shaqeeya.
Soomaaliya waxay ku jirtaa xaaladihii ugu horeeyay, marka laga hadlayo IVF-ga, wacyiga bulshada iyo dhaqanka ayaa laga yaabaa in culays lagala kulmo, way jiraan Soomaali faham fiican ka haystaa oo dalka dibaddiisa u aadda adeegga dawaynta iyo bacriminta ubadka, waxaana loo baahanyahay xarumo caafimaad oo arrintaas u istaaga, si wax ku ool ahna uga miro dhaliya.
Dadka ubad la’aantu ku dhacday waxay ubaahanyihiin caawinaad faacimaad oo la xiriirta bacriminta ubadka, shaki kuma jiro inay Soomaaliya joogaan waalidiin badan oo la daalaadhacaya dhalmo la’aan, waxaa lama huraan ah in la helo dawlad taageerta xarumaha isku dayaya inay dalka ka hirgaliyaan adeega bacriminta dhalmada sida Marwa Fertilityoo kale, si loo caawiyo dadka u baahan.
Gaban-gabo
- Bacriminta ubadku (IVF) wuxuu ka mid yahay adeegyada loogu baahida badan yahay dunida, wuxuuna door muhima ka ciyaaraa taranka aadanaha.
- Afrika mar hore ayay bilaawday hirgalinta adeegaan iyo inay ka faaiidaysato teknalojiyadda si loo caawiyo waalidiinta si dabiiciya u dhaliwaaya.
- Soomaaliya ma jirto dawlad bixisay taageeradii loo baahnaa, si dalka looga hirgaliyo adeegga bacriminta ubadka ayadoon laga faaiidaysanayo teknaloojiyadda laakiin waxaa jira xarumo caafimaad oo isku dayaya inay si iskood ah intii tabartooda adeegaas dalka uga hirgaliyaan.
- Wadamadu way u kala baahi badan yihiin IVF-ka maadaaba ay jiraan cuduro sababa.