24.9 C
Mogadishu
Saturday, July 19, 2025

Nin ka yimid Ingiriiska oo lagu dilay Muqdisho kadibna la gubay + Sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo ka dhacday magaalada Muqdisho, kadib markii nin qurbejoog ahaa oo ka yimid dalka Ingiriiska, si arxan darro ah loogu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Zakariye Maxamuud Maxamed ayaa ahaa 50 sano jir, waxaana la sheegay in la dilay, la jarjaray, kadibna la gubay.

Khaalid Maxamuud Maxamed oo la dhashay marxuumka oo la hadlay Shabelle TV ayaa sheegay in walaalkiis loo dilay si ka baxsan bani’aadanimada, isaga oo tilmaamay in falka uu Arbacadii ka dhacay gudaha degmada Warta Nabadda oo uu daganaa marxuumka.

“Dil waxaan waa ka daran yihiin waa waxyaabo ka baxsan bani’aadanimada iyo islaanimada wuxuu ahaa dil argagax leh waa dil aan ka seexan weynay waxaa dhacday in qof bani’aadan ah la dilo la jarjaro, kadibna la gubo” ayuu yiri Khaalid Maxamuud Maxamed.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan aragnay walaalkey oo jarjaran lugihiisa, gacantiisa wixi dhan ay ka jaran yihiin oo isku danbas beelay”.

Khaalid ayaa sidoo kale tilmaamay in falkan loo soo xiray ilaa 5 qof oo marxuumka daganaa guriga lagu dilay, uuna ku jiro wakiilka guriga iyo  dhalinyaro kale oo ka timid dalka Ingiriiska, kuwaas oo haatan tuhmanayaal ah, kuna xiran xarunta C.I.D-da.

“Meesha lagu dilay waxaa waayey Wardhiigley, gaar ahaan laamiga Jeneraal Daa’uud oo uu daganaaa walaalkey, guriga waxaa daganaa 5 qof oo hadda xiran” ayuu mar kale yiri.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in kahor inta aan la dilin walaalkiis loo soo diray lacag, ayna tuhmayaan in dilkiisa uu la xiriiri karo lacagtaas, sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray guud ahaan dadka Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka, isaga oo ka dalbaday inay ku gacan siiyaan cadaaladda, si maxkamad loo horgeedo dambiilayaashii ka dambeeyay falka ‘lagu dilay, laguna gubay’ walaalkiis.

“Waxaan rajeynayaa inaan helno cadaalad oo aan ka dooneyno Soomaali iyo Dowladda Federaalka, waxaan waa wax iska cad waa qof la dilay, la jarjaray, kadib la gubay”. ayuu kusii daray.

- Advertisement -

Read more

Local News