Soomaaliya iyo ISRAEL ma samaysan karaan xiriir siyaasadeed? – FAALLO

Doorashadiisii ka dib, Madaxwaynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamud wuxuu safarkiisii ugu horreeyay ku aaday dalka Imaaratka Carabta, iyadoo aan wali la dhisin golihii wasiirada. 

Safarkaas waxaa la filayay inuu qaato labo maalmood, laakiin waxaa dhacday in Madaxwaynihii muddo usbuuc ku dhow warkiisii la waayo. Taasi waxay dhalisay shaki iyo warar aan la hubin oo sheegaya inuu safar qarsoodi ah ku tagay Israel, ama uu saraakiil sare oo ka socda Israel si qarsoodi ah ugula kulmay Dubai. Madaxtooyada Soomaaliya way beenisay warkaas.

Aan u soo laabano su’aasha ah Soomaaliya xiriir ma la samaysan kartaa Israel?

Intaynaan ka jawaabin su’aashaas, bal marka hore aan iswaydiino tirada waddamada xiriirka la leh Israel iyo kuwa aan la lahayn, ka dibna aan u bar-bar dhigno inta waddan oo Qaramada Midoobay ku jira.

Qaramada Midoobay waxay ka koobantahay 193 waddan.  Israel waxay xiriir la leedahay 166 waddan oo ku jira Qaramada Midoobay.  27-ka waddan ee soo haray oo aan xiriirka la lahayn Israel, 14 ka mid ah waxay ku jiraan ururka Carabta, 13-ka kalana waxay isugu jiraan waddamo ku jira ururka Islamka iyo kuwo ah haraadigii shuuciyaddi Midowga Soviet-ka, sida Kuuba, Waqoyiga Korea, Venezuela, iwm.

Waddamo Carab iyo Islam ah oo xiriir la leh Israel

Waddamada ku jira ururka Carabta iskuma raacsana in la qaadaco Israel, ama aan la aqoonsan oo safaarado la is waydaarsan, Passoprt-koodana lagu geli karin Israel. Waxaa jira dhowr waddan oo Carab ama Islam, sida Masar, Jordan, UAE, Saudi Arabia, Bahrain, Oman, Turkiga oo xiriir diplomaasiyadeed oo toos ah ama mid qarsoodi ah la leh Israel. 

Ma jirtaa dhib toos ah oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Israel?

Diin ahaan iyo siyaasad ahaan Soomaaliya iyo Israel waxaa u dhexeeya faraq muuqda, laakiin waddamada caalamka intooda badan sidaas oo kale bay Soomaaliya u kala duwan yihiin xagga diinta, siyaasadda, dhaqanka, midabka, luqadda, iwm, oo taasi ma aha wax Israel gaar ku ah. Sidaas oo ay tahayna Soomaaliya xiriir bay la leedahay waddamo badan oo aan nooga dhowayn Israel, marka laga eego diinta, siyaasadda, midabka, iwm.

Si kastaba ha ahaatee, iyadoo waligeed uusan jirin xiriir toos ah oo dhex maray labada dal haddana xiriirka Soomaaliya iyo Israel wuxuu aad u sii xumaaday markii Soomaaliya ku biirtay ururka Carabta iyo markii dawladda Soomaaliya ay haysay guddoonka ururkii OAU-da, xilligaas oo ay Soomaaliya ol-ole wayn u gashay sidii waddamada ku jira ururka midowga Africa looga jari lahaa Israel. Ol-olahaasna waxaa dabada ka riixayay ururka Carabta ee ma ahayn fikrad ka timid Soomaaliya.

Sababta Soomaaliya aysan xiriir ula lahayn Israel marna ma ahayn dhib labada waddan toos u dhex yaalay ee waxay ahayd siyaasad ku salaysnayd qadiyadda Falastiin iyo mowqifka ururka Carabta iyo kan ururka Islamka oo ay Somaaliya ka mid ahayd, mowqifkaas oo ilaa iyo hadda ah: inta Israel haysato dhul Carbeed ama magaalada Quddus in aan xiriir lala yeelan lana aqoonsan. Mowqifkaas waxba kama beddalin qaddiyadda Falastiin, tan Qudus, iyo dhulka Israel ka haysato Syria sababta oo ah badanaa waddamada Carabtu daacad kama ahayn qaddiyadahaas.

Tan kale, waxaan is leeyahay haddii waddamada Carabtu xiriir toos ah la lahaan lahaayeen Israel waxaa dhici kartay in dagaal la’aan wax walba lagu xallin kari lahaa sidii Masar iyo Israel ay u xalliyeen qaddiyaddii Siinaay, ka dibna xiriirkii labada waddan u hagaagay oo uu hadda gaaray heer Gaaska Israel loo dhoofiyo Masar si loogu sifeeyo isla markaana looga sii dhoofiyo dalka Masar. 

Waxaa kale oo jirta in ilaa 1974-tii wax badan is beddaleen, oo Israel sii xoogaysatay dhaqaale ahaan, ciidan ahaan, iyo siyaasad ahaan, halka Carabtii iyo waddamadii Islaamku sii bur-bureen oo sii kala fogaadeen siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan. Sidoo kale, waddamadii Carbta ayaa iyagoo aan xiriir toos ah la lahayn Israel haddana u kala dhuuntaan oo ugu tartamaan sidii ay si qarsoodi ah u la kulmi lahaayeen siyaasiyiinta iyo madaxda Israel. Mararka qaarkood waxaay waddamada Carabta qaarkood la samaystaan Israel xiriir loo ekaysiinayo mid ganacsi laakiin uu ku hoos jiro mid diplomaasi. 

Sidoo kale, maadaama qaar ka mid ah waddamadda ururka Carbta ugu awood badan xag dhaqaale, xag siyaasadeed, iyo xag ciidanba ay xiriir toos la leeyihiin Israel, qaarna la leeyihiin xiriir aan toos ahayn haddana qarsoonayn, maxaa kallifay in Somaaliya ku sii dhaqanto siyaasad waddamadii hormuudka u ahaa aysan ku dhaqmin?

Waxaa aniga ila habboon in dawladda Somaaliya dib u samayso daraasado looga baaraandegayo sida ugu wanaagsan oo loo hormarin karo danaha Soomaaliya iyo xiriirrada  ay la leedahay waddamada caalamka oo dhan, iyadoo aan waddana gaar u takoorayn. Ma aha inaan si indho la’aan ah isaga daba joogno siyaasad aan waqtigaan hadda la joogo macne samaynayn, gaar ahaan iyadoo laga wada ogyahay in qaarka mid ah waddamada Carabta ay rabaan inay kala jar-jaraan Soomaaliya.

Taas macnaheedu ma aha in haddii Soomaaliya xiriir la yeelato Israel aysan ka hadli karin qadiyadda Falastiin ama maqaamka Quddus, ama dhulka Israel ka haysato Siiriya, laakiin waxaan hubaa inaan hadda Israel xoog wax looga qaadi karo jirin, balse ay suurtagal tahay in haddii cilaaqaad wanaagsan iyo xiriir toos ah lala yeesho Israel ay dhici karto in la isu soo dhowaado, ka dibna xal waara laga gaaro qaddiyadaha taagan oo dhan.

Waddamada Carabta ee hodanka ah maanta iyagaa ah cadowga kowaad ee Carabta iyo kan caalamka Islaamkaba. Iyaga ayaana ka shaqeeya danaha Israel iyo isu soo dhowaynta Israel iyo waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka. Somaaliyana inay kuwaas iska dabo joogto wax dan ah kuma jirto ee waxaa dantu ugu jirtaa inay iyagu toos ula macaamiltaman dalkay rabaan.

 Waxaa laga yaabaa in Israel uga waxtar roonaato Somaaliya 21-ka waddanoo kale oo ku jira ururka Carabta oo dhibaatada ku fiirsanayay ilaa 1991-dii markii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ay bur-burtay.

Kenya, Itoobiya, waddamo Carab ah, iyo waddamada Afirka badankoodu xiriir bay la leeyihiin Israel, marka waa in Soomaaliya ku samayso arrintaan daraasad cilmiyaysan, ka dibna ay ku dhaqaaqdo waxa dantu ugu jirto Soomaaliya. 

Haddii ay u aragto in dantu ku jirto in xiriir lala samaysto Israel, yaysan danta Soomaaliya u baabi’in waddamo aan iyaguna daacad isu ahayn, Soomaaliyana daacad u ahayn.

Ugu dambayn, waxaan aaminsanahay goor ay noqotaba in Soomaaliya aysan huri doonin inay xiriir la samaysato Israel, waayo siyaasadda dameeri dhaan raacdayda ah ee la iska daba joogo waddamo iyaguba u kala dhuunta Israel, ma aha danta Soomaaliya. 

Xiriir waddankii aan la yeelanayno iyo waaddankii aanan la yeelanayn, waa inaan ku salayno danta Soomaaliya. Siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah waa inay ka madax banaanaadan aragti dhow oo aan maslaxad ugu jirin Soomaaliya, laakiin u danaynaya waddamo kale.

Sidaas awgeed waxaa habboon in hadda la sii bilaabo daraasadaha maadaama ay dhowr sano qaadan karto in si buuxda loo dhamaystiro daraasadahaas, sidoo kalena loo baahan doono in laga feejignaado wax kasta oo qaldami kara, gaar ahaan maadaama aysan Soomaaliya lahayn noocyada kala duwan ee ciidamada, gaar ahaan kuwa sir-doonka oo waddanka ka ilaalin kara khataraha ka imaan kara waddamada shisheeyaha. 

W/Q: Axmed Bashir
bashir1631@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.