Soomaaliya iyo siyaasiyiinta waratada ah ee fikradaha ku dhacda ah gadda!!

Wax badan ayaan filayaa in aad cagta marisay ama ka adeegatay suuqyada waratada ee gayigeena Soomaaliyeed caanka ku ahaa, kaas oo inta badan loogu haggaagi jiray  xaraash iyo xoolo jaban. Suuqayadaa marka aad gudaha u gashid waxaa ku dawaqinaya dhawaaqa gadislayda ku dadaalaya calafkooda  maalintaas in ay ku dhacsadaan sir iyo saaqba.

Kuwa ugu caansan gadislaydaas waxaa ka mid ah kuwa gada dharka ku dhacda ama Huudhayda loo yaqaan, ee laga soo waaridi jiray wadamada reer Galbeedka. Mujtamaca dunida saddexaad Soomaaliduna ugu horeyso  oo u badan kuwo aan awoodin iibsiga dharka qaaliga ayaa ku dadaala sidii ay arad xumida uga bixi lahaayeen, ayagoo aan kala jaclayn cidda lahayd ee ama laga soo waariday dharka uu u quurayo oogadiisa in uu ku arad baxo.

Qolladaaas gadislayda ah si ay quutul daruuriga maalintaas u helaan waa in ay been, dhaar, baroor, qaylo iyo halkudhigyo ay ku soo jiidanayaan dhagaha shacabka ku luqeeyaan, waxa ay abuuraan marxalad ay rabaan kor iyo hoosba in ay ku maacaashaan, dadka qaar ayaaba ku sifeeya in ay yihiin qalinshubato, mana ahan kuwo xeerinaya nidaamka iyo sharciga gadislayda, barkood waxa ay gadaanba waa wax la soo xadday. Waase jiri karaan in badan oo xalaal quudato ah kuna jira ganacsigan.

Sababta aan u xusayo gadislayda waratada ah, ayaa waxa ay tahay markaan arkay dhaqankaas rag leh sifaha nimankaas jadiinkooda wax ay mariyaan uun ka fakaraya, ayagoo kolkaan waxa uu suuqa waratada la soo galay ay noqotay sidii CIIDDA iyo CALANKA Soomaaliyeed  uu u xaraashi lahaa, tanoo ah sababta ay u soo buuxiyeen gidaaradii waratada, waxaa dadkaan ku jira kuwo aysan baahiye u gaynin in ay siyaasadu warato la gasho, waxaa ku jira kuwo aqoon yahan sheeganaya, lagana yaabo in ay barreyaal waawaynba yihiin, dhalinyaro aad fursado ka fiican ayayba helilahaayeen is lahayd, culumo aad is weydiinaysid ayana hadmay kutubadii xooreen, Odayaal aad ka filaysay in ay waayo soo noolaayeen, wax uunbayna xeerinayaan aad is lahayd waxa ay ku jiraan.

Waxa ay dagaal kula jiraa Dowladnimada Soomaaliya, oo ay aaminsanyihiin in ay hayso dantii ummada iyo dib u yagleelida Qarrannimada Soomaaliya, waana tan ku qasbaysa fikradaha aan asalka iyo raadka lahayn in uu sidii ku dhacda ugu qalaado har iyo habeen, asagoo ka faa’idaysanaya shacabkaaa baahida qaba, dibindaabyaduna la hartay 28 sano ee la soo dhaafay.

Waxa ay xaladeeyaan fikradaha raqiiska ah, una xiraan dhar xariir ah, oo laga soohay dunta midabbada badan ee QABYAALLADDA. Marka aad mid ku diidid isla ayadii oo midab kale leh ayuu inta kugu soo tuuro ku leeyahay lafihii iska celi, inta uu todoba iyo toban dhaar oo uu macal ku godgalinaya asaga iyo waxii awlaad ahaa ee uu dhalay, waalidiintiis oo hore u dhintayna ku leeyahay illaahow hadda iga qaad, mar marka qaarkoodna waaba la is oohinayaa. Shacabka masaakiinta ah ayaga oo madaxoodii mijo loo rogay, cagajiidna ah ayaa wax walba inta laga furto laga dhaqaaqaa. Waa qalin shubato sir iyo saaqba raba in ay wax kugu shubtaan, ayagoo biyodhacoodu yahay wax uu jadiinka mariyo,asagoo aan dal iyo dadba eegayn.

Dhibbaatooyinka hortaagan dowladnimada Soomaaliyana waxaa kow ka ah Siyaasiyiintaas waratada ah, waana kuwo usoo jiiday ama damaca gashay quwadaha aduunka si ay xaraashka iyo yabooha Siyaasiyiinta waratada qayb uga noqdaan. Waxa ay shacabka ku baqagashaan waa nala qabsanayaa iyo waa baaba’aynaa hadaynan dal hebel iyo dal hebel kabaha u qaadin.

DFS waxaan kula talin lahaa in Siyaasiyiinta Waratada ah iyo fikradahooda ku dhacda ah, ay indhaha ku hayso, aysanna siinin fursado ay dhaar beennaad ku maraan iyo baroor aan jirin oo ay bulshada kula dhex madiixaan, marka ay waayaan gidaar ay dabada la gaalan, waa marka Dowladnimadu Soomaali taam u noqonayso.

W/Q Muxyadiin Xusseen Ciid
Alcarab1@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid